Make your own free website on Tripod.com
waab.jpg (26501 bytes)
Taariikh nololeedka Maryan Mursal Ciise
By Maxamed C/laahi Cali Tiriig
 
maryam.jpg (13279 bytes)
Maryan Mursala taariikh deeda aad uma wada hayo lakiin intaan helay baan idin la wadaagayaa.
 
Maryan sida aan maqlay waxay bilowday fanka ilaa 1960-66 kii inta u dhaxaysay maryan waxay ahayad fananadii ugu horaysya oo jazz ka somaliga garabka qabatay maryan waxay sheegtay in ay yaranteedii dhegaysna jirtay musiga jazz ka ah waxaan ka mid ahaa dadka ay dhegayan jirtay Ray Charles, Elvis Presley dadkaas oo ahaa dad jazz ku heesi jiray dhagaysigaas baa wuxuu u furay wado ay ku so gasho fanka maryan waxay qaadaa heeso badan lakiin riwayadahay tii ugu horaysay  ee ay samaysaa waxay ahayd Shabeel naagood. Riwayadaas oo ka mid ah riwaaydaha ugu caansan somalida Riwayadan waxaa la matalayay maryan  Cabdi Muxumed iyo Hibbanuura Cabdulle Raage waxaa sameeyey  Xasan shiikh Muumin. Riwayadaas waxaa ka danbeeyey Riwaayad kale oo ay maryan aad iyo aad ugu soo caan baxday waa riwaydii uu sameeyey Maxamoud Cismaan Tuukaale ee magaceeda la oran jiray  HAblayahow HAdmaad Guursan doontiin. Riwayadan waa riwaydiii ay ku jirtay Heestii la Mamnuucay Xiligii kacanka Heestu waxay ku bilaabmi jirtay.
                  
sadex cadwo ayaa jiray 
dadka soo cadibi jirey 
                  oo cariiri gelin jirey
                                             ka dibna waxa uu yiri:
                  Labo waa cirib tirey 
                  la caraabi gaajo
                  ceyr xoolo laga dhaqey
                  cilmi wax laga barey
                  cirka waatan loo kacey
                  ha yeeshee mid baa u daran 
                  wali ceymo loo waa
 
heestaan waxaa mamnuucay maxamed siyaad bare oo yiri heestan ana layala jeeda maryan waxaa lagu macaabaa in ay tahay aftahamad oo hadan dib ugu noqono waxaa jirtay in ay maryan is guursadeen Ahmed Cumar cigaal oo ay ahaayeen labadii fanana ee ugu horeyey ee isguursada kalan ah laba kala duwan oo midna yahay dadka la haso midn ayahay dadka hasa taas oo ku keentay maryan iyo ahmed in ay abawanadii xilgaasi u sameeyaan heeso farabadan oo ay bulshadu labadoodaba midb takoor gaar ah saartay markii danbena ay ba ka sii badatay oo uu ahmed guursaday khadra daahir oo ay dhibtii ka sii badatay in tii hore. maryaan markay kal tageen ahmed waxay ku dadaashay in ay beesheeda u doodo uan so dhiciso xadoodii taas o ay ka furtay barmaamij bbcda somaliga la oran jiray Quursigu qiil Ma leeyahay. taas oo lagu ogaaday in ay amaryan tahay aftahamad aan la celinkarin oo ay nin kasta oo cilmi aqooneed la ay afka qabsatay lakiin nasiib daro wax way kamay gaarin. maryan wixii ka danbeeyey burburkii waxay soo gashay kenaya halkaas oo ay ku samaysay alaban keedii ugu horey ee ay qurbaha ku samayso kabacdi waxay soo gashay yurub hadna waxay dhex wareegtaa bulsahd asoomaliyeed ee kala daad san taas oo ay ku daydo in ay weedheeda ku gaarsiiso siday ka dareemayso somalinimada iyo meeshay maanta taalo maryan hadii lay waydiiyo aniga haan waxaan run ahana oran lahaa waa geesiyada aftahamad ah lakiin garabla oo sooooomali garabah ka jebesay waxaan u rajayanaya in ay guusheeda gaadho. wixii dheerad ah ee aad ka heshaan ila soo socdsiiya Badhan6@hotmail.com wixii qalad ah ee ku jira ii soo sheega.
soo.jpg