Make your own free website on Tripod.com

soo.jpg

Taariikh Nololeedka Xaliimo Khaliif Magool.

 

Xaliima Khaliif Cumar Magool, waxay ku dhalatey gobollada Dhexe gaar ahaan Beledweyne(in kasta oo la sheego iney ku dhalatey Deg. Dhuusamareeb) sanadkii 1943kii, halkaas ayeyna ku soo barbaaray , markii ay labaatan jirsateyna waxay ku biirtay fannaaniintii Gobollada waqooyi , halkaas oo ay gacan weyn ku siiyeen iney fanka qeyb weyn ka qaadato abwaanintii iyo fannaaniintii halkaas ku sugnaa oo ay ugu cadcaddaayeen Xusen Ow Faarax iyo Faannaankii weynaa ee Axmed Maxamed Good Shimbir.

Magool markii a u soo wareegatey Muqdishu waxay degtay xaafadda wardhiigley gaar ahaan halka loo yaqaan barxadda wardhiigley iyadoo isla halkeedii ka sii waddey heesaheedii iyo xoojintii fanka, iyo ka qeybqaadashada jilista riwaayadaha.

Magool waxaa ilaah heybad u siiyay cod wanaagsan oo qof kasta oo dhegeysta heesaheeda uu la dhacayey taasoo u soo jeedday magool in mu allifiinta Somaliyeed ay ku deeqaan heesahooda cusub isla markaasna ku lammaaninaya xulka fannaaniinta waaweyn sida Maxamed Suleymaan, Cumaan Aaden Gacanlo, Maxame Axmed Kuluc, Cabdi Salaad Aden Beerdillaacshe, Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Maxamed Mooge Liibaan.

Heesaha Jaceylka ah ee ay caanka ku tahay magool waxaa ka mid ah iyagoon kala dhicin 1. Mabatallabsan karaye (kaligeed)
2. Idil (iyada A.M.G. Shimbir)
3. Ashqaraar (iyada iyo M.A.Kuluc
4. Jaceylkii ku dhego tira (kaligeed)
5. Dhimbilo Qurac (iyada iyo Muuse I. Qalinle
6. Shimbir (kaligeed)
7. Ubax la mood (kaligeed)
8. Immadadaali daali (iyada iyo Cusman Gacanlo)
9. dadnimada aqoonso (iyada iyo M.A. Kuluc)

Heesaheeda waddaniga ah waxaa iyagana ugu muhimsan iyagoon kala dhicin
1.Nin lagu seexdow haseexan (iyada iyo Hobollada waberi)
2. Maxaad taqaan (iyada iyo - - - - )
3. Afrikaay Huruddoy (kaligeed)
4. kani galbey kukale mooyee (iyada iyo H. waaberi)
5. geesiga birta ah (iyda iyo H. waberi)
6. manta manta (kaligeed)
7. Isisoo maqiiq (iyada M.A. Kuluc)

Magool waxay u tagay dalal badan iney ka dhigto bandhig faneedyo iyadoo la socota fannaaniin kale sida dalka Suudaan , khaliijka iyo kuwo kale, heer ay reer suudaan jecleystaan codkeeda oo ay somaliya oo dhan ku tilmaamaan (ARDI XALIIMA) dhulkii Xalimma iyagoo markaas u qasdaya Somaliya.

Xaliima Khaliif Magool waxay aheyd fannaannada kaliya ee somaliyeed oo ilaa manta awooddey iney hal habeen ku kulmiso garoonka dedan ee istadem Muqdishu ee K. Goleyga daawatadii ugu tira badneyd ee somaliya oo ka soo qeyb gala bandhig faneed la dhigo iyagoo kor u dhaafay (13) kun oo qof ,heer garoonka bannaankiisa lagu xiro codbaahiyeyaal, runtiina waa heer ay gaarin xitaa kooxihii kubadda koleyga halkaas ku ciyaari jiray ee Jeenyo iyo Horseed.

Tirada Riwaayadaha oo ay wax kajishay Magool in kasta oo ay fara ku tiris yihiin haddana waa kuwa ka tilmaaman riwaayadihii(sheeko masraxiyeed)dalka soo maray sida ;-

Sidaa ma isku qabnaa mise waan qarsanaa, dumistii aqalkeyga iyo arooskii inankeyga, Aabahey ka samraye adiga iyo riwaayado kale .

Xaliimo Khaliif Magool , waxey aheyd fannaanda weyn oo ka dhex muuqatey fannaaniinta somaliyeed lafdhabarna u aheyd fanka somalida guud ahaan , mana jiro fannaan ka dambeeyay oo aanan magool metel ka dhigan gaar ahaan gabdhaha fannaaniinta ah

 Waxaa jirta Fanaanad cusub oo la yiraahdo Birimo oo aah reer Canada Waxanay ku jirtaa Rwayadii uu Maxamed Cabdulahi  Snagub soo saray Oo la oran jiray Qabyo  waxay gabadhaasi isku dayda ain ay cod kii Xaliima Khaliif Magool gaadh siiso keeda Run taahtiina markaad laxankay ay u leedaya hees kamid heesah Birimo aad u first way u dhow dhoday markaa Waxan  u rajaynayaa in Birimo soo baxdo oo ay noqota next Magool.

 Magool waxay ka qaybgashay tartano badah oo ay sidatay magaca somaliya una ordaysay Somaliyad lakiin dagaladi wixi ka danbeyey wax intearnashnal ah umay ordin. dhulkay tartanada u aaday waxa ka mid ahaa Suudan ,China iyo dhulbadan oo ka mid ah carabaha.

Xaliimo waxaa u soo tacsiyadaynayey dad badan oo fanaaniin ah waxaan ka mid aha dadkan .

   Abwaan Hadraawi     

   Qadro Daahir Cige

  

Cusmaan Gacanlow

Cabdikariim Faarax Jiir

Maareeyihii hore ee Theater-ka Cabdi Xaashi

Gen. Maxamed Nuur Galaal

Abwaan Siciid Harawo

 

Zeynab Xaaji Cali Baxsan

Maydkii Magool

Wiil kii maydka ka sooqaday holland

 

Cabdi Tahliil Warsame

Bashiir Ibraahim Cabdi

Cabdi Muxumad Amiin

C/qaadir Sheekh Cali Sanka

Binti Cumar Gacal

Xasan Gareyd

Haboon Cabdulaahi

Mukhtaar Ramadaan Iidi

Axmed-nuur Jaangow

Surqo Cabdulaahi

Xasan Maxamuud Jaceyl

Safiya Geele

Aamina Sahra

Shamso Maxamuud Xirsi "Daadsan"

Cabdi Maxamuud "ilkacase" Nadiifa Cali Kulane.

 

Waxay dhammaan tacsi u dirayaan fanaaniinta shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka geeriyootay hooyadii fanka Xaliima Khaliif Cumar Magool

Badhan6@hotmail.com 

By: Maxamed c/laahi cali Tiriig