Make your own free website on Tripod.com

Taariikh faneed kii khadra daahir cige

by:maxamed c/laahi cali Tiriig

Khadra Daahir Cige, waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku bar-baartay waxna ku baratay, ka hor intii aanay jiidan dabaysha fan-jacaylka oo biyo dhigtay yaraanteedii, siday Khadra sheegtay muxibadda fanku waxay la kowsatay koritaankeeda garaadka. Intii ay Waxbarashada ku jirtay ayay bilowday qaadista heesaha, heesii ugu horeysay ee ay qaadaanaa waxay ahayd hees Waddani ah oo uu sameeyay Cali Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda Carabiga dhiga, Khadrana macalin u ahaa. Waxay ahayd sannadkii 1972-kii, waana heesteedii curad ee u balaysintay heesaa-nimada ay Khadra qaniga ku tahay, heesteedaa koowaad waxaa midhaheedii ka mid ahaa; Hawl iyo dadweynoow, hantidoon wadaagnaa waa horumarkeeniyo hido aynu leenahay, hayaan baa la gelayaa, haka hadhine soo raac.

Khadra, intaa kagamay hadhin jacaylka ay u haysay fanka, waxayna kor u sii kacday markii ay dhiiri-gelin ka heshay dad badan oo ka mid ah bahda fanka, waxayna mar kale hees la qaaday hablo ay isku Iskuul ahaayeen.

Khadra Daahir Cige, waxay si toos ah fanka u bilowday sannadkii 1974-kii, habeen habeenada ka mid ah ayay Khadra ka qayb-gashay Xaflad, waxayna halkaa kula kulantay Fannaanka Saalax Qaasim oo kabanka u garaacay markii la sara-kacday hees ay qaado Fannaanadda Sahra Axmed.
Saalax Qaasim oo aad ula dhacay Codka inantaa yar, ayaa Madaxii Idaacadda Raadiyow Hargeysa, Idiris Cigaal u sheegay in ay Khadri heesi karto, sidaa darteedna la qaato, iyada oo sidii wax u dhaceen ka sheekaynaysa, waxay tidhi; Waxa la ii geeyay Alla ha u naxariistee Ismaaciil Yare, Huryo, Saalax Qaasim iyo Siciid Xarawo, waxayna igu yidhaahdeen hees kale maqaadi karta, waxaan qaaday hees kale oo iyana Sahra Axmed qaado.
Maalintaa kadib, Khadra waxaa loo aqoonsaday fannaanad ka midda hoboladii Waaberi,iyadoo isla sannadkaa si buuxda uga qayb-gashay Riwaayado caan ahaa oo ay ka mid tahay Dab Jacayl kari waa.
Khadra Daahir, waxay ku caan baxday ku luuqaynta heesaha Jacaylka ah oo ay kaga soo dhex-mudhay Masraxyadii kala duwannaa ee Fanka Soomaalida, waxaanay qaab-masrixiyeedkeeda, fannaan-nimadeeda iyo luuqdeeda dabacsan-ba ku soo jiidatay dadweyne aad u tiro badan oo Soomaali ah oo xoog u dhegeysta heesaheeda, kuwaas oo ay xitaa ka mid yihiin fannaaniin iyo abwaanaba.

In badan oo Soomaalida ka mid ahi, markay fanka ka hadlayaan waxay Khadra ku tilmaamaan Boqorada Jacaylka. Mar la weydiiyay heesteedii u horeysay ee jacaylka ahayd ee ay qaaday, waxay sheegtay in ay ahayd hees uu sameeyay nin la odhan jiray Maxamuud oo reer Hargeysa ah. Heestaasi, waa heesta caanka ah ee ereyadeeda ka midka yihiin;

Afka lagama sheegtoo,
Adigoon Jacayl arag,
Looma uur xumaadee,
Intuu soo abraarruu


Heestani, waxay ahayd tijaabadii ugu dambaysay ee Khadra laga qaado, ka hor intii aanay ku dabaallan badweynta heesaha ee ay marba dhinac u qaaday.

Khadra oo ka jawaab-celinaysay suaal ku saabsanayd, sidii dareenkeedu ahaa markay Fanka bilowday waxay tidhi; Waan yaraa, waayo-aragnimana maan lahayn, balse waxa ijiidanayay jacaylka aan u qabay Fanka.

Khadra Daahir, waxay ka mid tahay koox fannaaniin ah oo dhawaan ka soo kicitimay Carriga Ingiriiska oo ay muddo dhawr iyo Toban sannadood ah ku noolaayeen. Mar aanu wax ka weydiinay ujeeddada socdaalkooda, waxay ku tilmaantay war-doon la xidhiidha sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ah oo ay in muddo ah ka maqnaayeen. Waxa kale oo booqashada fannaaniintan ka mid ah, in ay dadka wax ka xusuusiyaan Fankoodii, waxaanay sheegtay in ay dhawaan ku soo bandhigayaan Masraxyadda Hargeysa, Bandhig-fanneed.

Fannaanadu, waxay ka deyrisay nolosha qurbo-joogga ah oo ay ku macnaysay mid adag oo ka soo horjeedda dhaqanka Soomaalida. Waa meel aanad cidna ka garanayni. Dhibaatooyinka qurbaha nagu qabsaday, waxa ka mid ah wax-soo-saarkayagii oo yaraaday, ayay tidhi Khadra oo ka hadlaysay carqaladaha dhulka shisheeye ay kala kulmeen.

Marka laga tago Riwaayadii la odhan jiray Dab jacayl kari waa oo ay Khadra kala wareegtay Sahra Axmed oo markii hore heesaaga koowaad ka ahayd, waxa kale oo ay markiiba hogaan-qaaday Riwaayad la odhan jiray Jini iyo Jacayl, oo noqotay mid markiiba ku fiday daafaha dhulweynaha Soomaalidu degto. Heesaha ay qaado Khadra Daahir, waxa intooda badan sameeyay Abwaan Xasan X. C/laahi (Xasan Ganay), hase yeeshee heesta ay ugu jeceshahay heesaha ay ku luuqayso, waxay ku tilmaantay hees uu sameeyay Abwaan Maxamed Cali Kaariye (Illaahay ha u naxariistee). Mar ay arrintaa ka hadlaysayna, waxay Khadra tidhi:

“Heesahayga waxaan ugu jecelahay, Jacaylkii Boorama, kii bulaale iyo herer, Berberiyo Hargeysiyo, kii Banaadir igu helay.

Fannaanadu, waxay jacaylkeeda heestaa bud-dhig uga dhigtay munaasibad u gaar ah oo ay ka turjumaysay, taas oo saamayn dhinaca cishqiga ah Kharda lafteeda. “Heestaasi waxay lahayd laba munaasibadood, ta hore abwaanka sameeyay oo jacayl rasmi ahi hayay, iyo aniga laftayda oo markaa la i hayay. Sidaa waxa tidhi Khadra Daahir oo daboolka ka qaaday, jiritaanka sharaxaad ay bulshadu ka bixin jirtay aroorka nudaha iyo macnaha ay heestu xambaarsan tahay.

soo.jpg