ZIOTOM: “1953-Kii Ayaan Ku Soo Biiray Fanka, Hadana Waxaan Jeclahay Inaan Ka Fariisto”{Waxaa Iigu Yaab Badneyd
Cumar Shooli Oo Naag Iga Xoogay

Ziotom oo 64 jir ah waxa uu ka mid yahay Jilayaasha Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa inoo suuragashay inaan kula kulano xarun laga isticmaalo Internet-ka, wuxuuna ka mid ahaa Hoboladii Wasaaradda Waxbarashada (Iftin) waxaana wax ka weydiinay xiligii uu ku soo biiray Fanka wuxuuna yiri.

“Maasha Allaah, fanka dad badan ayaa iigaga horeeya, laakiin aniga waxaan ahay 1953-kii ayey aheyd waqtigii aan ku soo biiray, waxaana sameyn jirnay riwaayadaha yaryarka ee iskuuladda marka la xeraayo ayaan ku soo baxay”.

Ziotom waxaa uu sheegay in riwaayadii ugu horeysay ee Tiyaar laga dhigo ay aheyd sanadkii 1968-kii Riwaayadaasi oo lagu magacaabi jiray talo xumo kama badiyo xiligaas oo aheyd riwaayadii ugu horeysay ee lagu furo Natianal Tiyaatar oo xiligaasi la furay waxaana jilayaasha riwaayadaasi ka mid ahaa Axmed Naaji Sacad Faadumo Qaasim, Awgoombe iyo rag fara badan Ziotomna waxa uu ka ahaa riwaayadaasi isaga iyo Ow-Goombe Goomadiiste.

Fanaanka waxaa uu safaro dibada ah gaar ahaan Nayjeeriya u tegay inuu kasoo jilo majaajilo iyo riwaayad xiligaasi oo fanaaniinta shil baabuur ay ku galeen xiligaasi oo ay kasoo dhinteen Fanaanka la yiraahdo Abgaal Saciid iyo wiil uu dhalay Allaha u naxariistee C/laahi Qarshe.

Ziotom oo dadka ay aad u jecel yahiin jilista riwaayadaha uu ku jiro ayaa waxaa ay dadku si aad ah u xiiseeyaan riwaayada lagu magacaabo Mushaakilkii Jaceylka oo in ka badan 40 habeen laga dhigayay dalka wuxuuna Ziotom ku jilayay Actarka Adeerkiis halka Aabihiis uu ahaa Maki Xaaji Banaadir, Mr. Ziotom waxaa uu intaa ku daray in xiligan aysan jirin wax riwaayad ah oo uu dhigay taasoo uu sabab ugu dhigay in dalka aysan ku sugneyn dadkii uu u dhigayey fankiisa iyo ,mushkiladaha dalka ku soo badanaya oo ay amaan darada ay ka mid tahay wuxuuna go’aansaday inuu iska joojiyay fanka, wuxuuna uu sheegay inuu fanka xiligan u dhaafay dhalinyarada soo baxday isla markaana ay u furan tahay albaabka fanka, isagoo sheegay in waqtigiisa faneed uu ka kasbaday Magac, Shacbiyad iyo inuu ilmo ku korsday xiligan kadibna uusan maali karin isla markaana uu ka guray Naaska fanka, Ziotom Riwaayadaha uu jilay wuxuu sheegay in ay kor u dhaafayaan boqolaal intii la sameeyay kadib markii la dhisay Tiyaatarka.

Mar uu ka jawaabayay dhacdadii ugu yaabka badney ee uu la kulmay intii uu ku guda jiray fanka waxaa uu yiri “Saaxiibkey Cumar Shooli wan isla wareegi jirnay riwaayadahana waan isla dhigi jirnay hada kahorna naag aan saaxiib nahay ayuu iga xoogay habeen inagoo wada socono waxaana u sheegay inuu ku daro riwaayadda sidaas ayuuna iigala wareegay gabadhii, waxaana ku dhahay Saaxiibkey Shooliyoow ma leys dhacaa markaas buu yiri maya iyada weydii hadii ay dhahdo maku raacaayi waan ka haraa markaas baan dhahay waryaa anigaa xamar kaa soo waday anigoo ku biilayey riwaayadaa isla dhigeynay, subaxdiina Shooliyaa raacday ma I raacee mase ma I raaceysid maxay tiri ma taqaan “maku raacayi”yaa raaceysaa “Shooliyaan raacaa”

“Waxaan ugu baaqayaa dhalinta yar ee soo koraaya in marka hore ay ogaadaan in fanku leeyahay faa’iido iyo dhib una baahan yahay dul qaad badan, waxaana leeyahay waa idiin furan yahay albaabka soo gala inaga waan ka duqownay fanka, kuna fikira inaad sameysaan wax dadweynaha u qalma, maxaa yeelay dadka idiin fiirsanaya waa idiinka aqli badan yihiin, waa idiinka aqoon badan yihiin, waana ku mahadsan yihiin dadaalkooda, inagana gadaashiina ayaan fadhinaa” ayuu yiri Mr. Ziotom oo xiligan noqday Howlgab aan ka bixin Masjidka

alisomali@hotmail.com
Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdishowfankaa@midnimo.com

www.midnimo.com

This Page!

Make your own free website on Tripod.com