Taariikhda Personal Computers
Sanadkii 1975 ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa sanadkii uu noocaani dhashay oo soo saaristiisa la bilaabay.
Joornaal la oran jiray Popular Electronics ayaa wuxuu sanadkaas soo bandhigay kumbiyuutar magiciisa loo bixiyey Altair
8800 oo ay soo saartay shirkad la oran jiray MITS. Kumbiyuutyarkaas oo ahaa PC-gii ugu horeeyay wuxuu qiimihiisu ahaa
$397 doollar.
Sanadkii 1976 ayaa shirkadda Apple waxay soo saartay kumbiyuutar loo bixiyey Apple I. Processor-kiisa
(maskaxda kumbiyuutarka) oo loo bixiyey 6502 waxaa lahaa shirkadda Motorola. Sannadkii 1977ayaa waxaa soo baxay Apple II
oo isagu noqday fikrad lagu guulaystay muddo sanado badan ahna haystay suuqa PC-ga.
Sanadkii 1981 ayaa waxaa soo baxay kumbiyuutar aad wax uga beddelay taariikhda Personal Computers-ka. Kumbiyuutarkaas
oo loo bixiyey IBM PC waxaa sida magiciisa ka muuqata soo saaray shirkadda IBM processor-kiisa oo ahaa 8088 waxaa
lahaa shirkadda ilaa iyo maanta hormuudka u ah samaynta processor-adda ee la yiraahdo Intel. Program-ka kumbiyuutarka
ka shaqaysiiya (Operating system) waxay IBM u dooratay MS-DOS oo ay soo saartay shirkad aan markaas aad loo aqoonin
laakiin maanta haysata suuqa program-yada oo la yiraahdo Micrsoft (waa shirkadda samaysay Windows, Word, Excel, Powepoint,
Internet Explorer iyo program-yo kale oo fara badan).
IBM PC ma aysan lahayn Hard Drive oo ah halka
lagu kaydiyo wixii kumbiyuutarka la galiyo. Waxayse lahayd Diskette (Cajaladda yar ee kumbiyuutarka loo isticmaalo) uu qaadkeedu
ahaa 360 KB.
IBM PC wuxuu noqday nooc si dhakhso ah suuqo ugu fiday muddo yar kadibna waxaa suuqa
Personal Computers-ka qabsaday IBM PC iyo MS-DOS.
Sanadkii 1983 waxay IBM soo saartay IBM PC/XT. Noocaas oo lahaa Hard Drive qaaday 10 MB wuxuuna aad kor ugu
qaaday isticmaalka Personal Computers-ka. Sanadkii 1984 waxay Intel soo saartay processor cusub oo loo bixiyey 80286 inta
baddanna loo soo gaabiyo 286. Halkaasna waxaa ka billowday nambar taxane ah oo magac looga dhigay processor-adda ay
soo saarto Intel. Taasina waxay keentay inay IBM soo saarto kumbiyuutar la oran jiray AT oo wata processor-ka 80286 iyo Diskette
uu qaadkeedu ahaa 1,2 MB.
Sanadkii 1984 ayaa shirkadda Apple waxay soo saartay kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay Macintosh.
Noocaasi wuxuu keenay in shirkadda Apple ay suuqa ku soo noqoto.
IBM waxay dooratay inay u bandhigto una fasaxdo cid kasta oo xiisaynaysa inay isticmaalaan farsamada ay kumbyuutarradeedu
ku salaysan yihiin, halka ay Apple ka dooratay inay farsamadeeda gacanta ku haysato oo aysan cid kale u ogalaan. Arrintaasi
waxay keentay inay shirkado fara badani qaataan farsamada IBM oo ay sameeyaan kumbiyuutarro ku salaysan habkii loo sameeyay
IBM PC. Shirkadaha qaatay farsamada IBM waxaa ka mid ah Compaq, Dell, HP iyo kuwa fara badan oo aan halkaan lagu soo koobi
karin. Shirkadahaasi waxay ilaa maanta soo saaraan kumbuyuutarro loo yaqaan IBM Compatibles oo micnaheedu yahay inay ku salaysan
yihiin farsamadii IBM.
Sanadkii 1985 waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan 80386 loona soo gaabiyo 386. 386 wuxuu ahaa
processor-kii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay 32-bit. Taasina waxay keentay inay shirkado badani sameeyaan kumbiyuutarro
wata processor-kaas.
1987-kii waxay Apple soo saartay Mac II oo watay processor loo bixiyey 68020. 1988-kiina waxa soo
baxay Mac IIx oo wadatay processor-ka 68030 waxaana ku xigay processor-ka 68040. 1984 waxay Apple soo saartay Power
Mac oo watay processor ay ka wada shaqeeyeen IBM, Apple iyo Motorola oo loo yaqaan PowerPC.
Sanadkii 1989 waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan 80486 loona soo gaabiyo 486. Processor-kaasi
aad ayuu suuqa u qabsatay oo waxaa soo baxay kubiyuutarro aad u fara badan oo wata processor-kaas isla markaana si aad ah
ayaa loo gatay. Markaa ayaa waxaa dhacday in shirkado kale oo aan ahayn Intel ayna ka mid yihiin Cyrix iyo AMD ay sameeyaan
processor wata magaca 486. Taasi waxay keentay in Intel ay ka xumaato islamarkaana ay ku dacwooto in shirkadahaasi ay ku xad
gudbeen xuquuqda Copyright-ka Intel. Waxayse maxkamaddii arrintaas la hor keenay go'aamisay in maadaamaa 486 ay tahay tiro,
aanay cidina gaar u sheegan karin. Intel halkaas ayaa dacwadii looga adkaaday oo way weyday wax ay ku difaacdo magaca 486.
Sanadkii 1993 waxay Intel soo saartay processor-kii ku xigay 486. Laakiin halkii laga filaayay inuu magaciisu
noqon doono 586 waxay u bixisay Pentium. Taasna waxay u yeeshay si ay ugu suurtowdo in ay sharci ahaan Copyright uga
difaacdo shirkadaha kale inay magcaas la baxaan. Kadibna waxaa si isdaba joog ah u soo baxay Pentium MMX, Pentium
Pro, Pentium II iyo Pentium III oo hadda ugu dambaysay.
Itaas ayaan casharkaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa dhismaha
guud iyo qeybaha ay PC ka kooban tahay. Ka dibna casharrada ku sii xigaa ayaan mid mid ugu soo qaadan doonnaa mid kasta oo
ka mid ah qeybahaas.
1975-1980
1980-199
199
2000
2003




