|
Taariikhdi Muuse Suudi
Yalaxow
Jan 9, 2005 Radio Free Somalia
Qeybti ( I ) Soomaaliya waxaa soo maray rag fara ku tiris ah oo ka tegay raad lagu xasuusto iyo qaar
hadda nool oo ku mashquulsan taariikhdi ay ka tegi lahaayeen.
Ragga manta nool waxaa ugu cad cad ninka la yiraahdo Muuse Suudi Yalaxow. Waa nin ad-adag oo aan lagu aqoon
been iyo cabsi, wuxuu ku caanbaxay ka dhabeynta ficil ahaaneed wixi uu ku hadlo.
Taariikhdu waa ay xusi dhacdooyinki badnaa uu dhigay ama sababtooda uu lahaa iyo tan uu manta ku mashquul
sanyahay oo ah inuu dagaal weyn ka qarxo gobolka Banaadir. Dagaalkaas oo ujeedooyin badan xambaarsan.
Waa midda horee in lagu bara kiciyo, lana xasuuqo ummadda faraha badan ee masaakiinta ah ee kala gaari la’
baahidooda maalmeed, kuna hamminaaya ineey mar un helaan dowlad soo celisa nabadda, nidaamka, kala dambeeyn iyo adeegyadi
aasaasiga ahaa.
Waa midda xigtee inuu dagaalku gaaro gobolka Shabeelaha Dhexe si ay u burburto Dowladdi lasoo foolinaayay
muddadi labada sano iyo dheeraadka aheyd ee saldhigga ku meelgaarka ah ka dhigatay halkaas.
Waa midda ugu daranee, in rajada nabadeed iyo wada heshiisiinta ay u dhunto, dibna loogu noqdo colaadi, kala
qeyb sanaanti, markaasoo ay isbaarooyinki u fududaanayaan ineey sii badiyaan ragga maanta hubka culus gacanta ugu jiro, kuna
amar ku taagleeyaan ummadda maasaakiinta ah.
Muuse Suudi waa nin ay ka go’an tahay “waari meysidee war hakaa haro”, taariikhdiisa oo
qeyba qeybo ahna waxay ku keydsan tahay bogagga Internetka Soomaaliyeed, kubaasoo isugu jira codkiisa iyo qoraalaba. Dhacdooyinka
waaweyn ee lama illaawaanka ah ee loo nisbeeyana intooda badan asaga ayaa naf ahaantiisa caddeystay.
Taariikhda iyo wixi ay ka qortaba waa midaan la baajin Karine, dagaalkaas mala baajin karaa ? Yaase baajin
kara ?
Qeybti ( II )
Taariikhdu waa ay xusi qofkastoo ka dhex muuqda ummaddiisa, sida jirtana Muuse Suudi Yalaxow waa uu ka dhex
muuqdaa ummadda Soomaaliyeed. Waxaa lagu xasuusan doonaa hadaladiisa culculus e xag jirka ah iyo tallaabooyinki xoogga lahaa
ee uu ku hakiyay dawladihi la’isku dayay in laga hirgeliyo magaala madaxda Somaaliyeed.
Waxaan shaki laheyn in uu Muuse Suudi Yalaxow ka geli bogagga hore taariikhda qarniga 21aad, mar uu ka hadlay
afhayeenkiisi hore Dr. Culusow (Black), wuxuu yiri “ Muuse wax ma dhisee wax buu dummiyaa ”. Hadalkaas miisaanka
leh meel cidla ah ma dhicin, sida hadda muuqatana, Xaajiga wuxuu ku guda jiraa sidi uu u dummin lahaa maamulka ka dhisan gobolka
Banaadir, taasoo uu u arko haddii uu ku guuleysto inuu hubo burburinta dawladda Federaalka ee ku meel gaarka ah ee deggan
Shabelaha Dhexe.
Ma’aha marki ugu horreeysay ee uu Muuse Suudi jallaafo u dhigo dawlad ama dad doonaaya ineey nidaam
unkaan. Wuxuu qeyb Libaax ka ciyaaray dumminti dawladdi Cali Mahdi Maxamed, taasoo aad iyo aad loogu hanweynaa ineey ummadda
ka tir-tirto diifti iyo dar xumadi ka soo gaartay xukuumaddi Maxamed Siyaad Barre.
Waxaa ku xigay dawladdi la’isugu tagay ee lagu dhisay magaalada Carta ee dalka aan walaalaha nahay
ee Jabuuti, taasoo uu adeegsaday naf iyo maalba sidi ay ku dummi lahayd, aaqirkiina bacaadka ayeey afka la gashay.
Qeybti ( III )
Muuse Suudi Yalaxow wuxuu uga duwan yahay raggi ku soo biiray masraxa siyaasadda ama taariikhda Soomaaliyeed
tan iyo goortii la riday xukuumaddi Siyaad Barre, fikradaha la yaabka leh ee xagjirka ah ee aan ku qotomin qabiilka. Illaa
iyo haddana lama garan ujeedadiisa iyo halka uu beegsanaayo, waa nimmaan u rooneyn dadkiisa, deriskiisa iyo kuba ka fogba.
Inkasto uu la wadaago isbed-beddalka fikradeed ragga siyaasiinta isku sheega ama loo yaqaanno hoggaamiyayaasha intooda
badan, haddana waxaad arkeysaa inuusan lahayn aragti dheer, taasoo iftiimisa biya dhiciisa, illaa iyo haddana lama garan hal
beeggiisa.
Muuse waa ninkii garoonka diyaaradaha caalamiga ahaa ee Muqdisha dhagaxa ku daadiyay, waa ninkii general
Ceydiid qabarkiisa keenay, degmada Madiina ka qaxiyay dadki aasaaskeeda lahaa, qaarna ay ku naf waayeen. Waxaa intaas sii
dheer degmada Kaaraan oo ahayd xuddunti reerkiisa inuu u rogay goob aan leyku salaamin.
Taariikhda Muuse laguma haayo deeq ama gargaar uu u fidiyay goob waxbarasho ama caafimaad, waxaase badan
oo lagu xasuusan doonaa qadooyin ii dhex ah uu bixiyay.
Qeybti ( IIII )
Taariikhda Muuse Suudi Yalaxow mabadna, haddana leyskama indha tiri karo maadaama uu ka muuqdo masraxiyadda
siyaasadda cajaa ibta leh ee Soomaaliyeed, wuxuuna ku can baxay mucaaradnimo joogta ah. Muuse wuxuu todobaatameeyadi ka
xoogsan jiray suuqa Madiina, ka dibna wuxuu isu baddelay darawal, bartamihi sideetameyadi taasoo uu ku dhaqnaa tan iyo gunaanadki
xukuumaddi Maxamed Siyaad Barre.
Sida la sheegay Muuse wuxuu u soo hoyday magaalada Muqdisho 15ki Oktoobar 1969, maalintaasoo ah maalinti
ay dhuntay Dimuqraadiyaddi Soomaaliyeed. Waxaa iilka u hoyday Madaxweynihi ummadda mudane Cabdirishiid Cali Sharmarke, geesigi
sida asluubta leheyd ugala wareegay xilka ummadda mudane Aadan Cabdulle Cismaan.
Waxgaradka Soomaaliyeed waxay ku tilmaameen bilowgii maalmaha qalloocan, Muusana wuxuu u muuqday mukulaashi
madoobeyd ee mininka soo gashay, sida ay yiraahdaan reer Muqdisha “ MAQRIBTII MUKULAAL MADOW MININKAADA SOO GASHO MASIIBO
KUUMA DHIMMANA “. Muuse wuxuu ku indha furtay maamul xoog iyo qoray ku shaqeeya, dadkoo la cabsiiyo, xurriyadda laga
qaado, hantidooda oo lagala wareego iyadoo loo cuskanaayo sharciyo cusub oo isla maalintaas la soo arla geliyay.
Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna ummaddi ku dhaqneyd magaalada Muqdisho, hoog iyo ba’ugama
horreeyn maalintaas, dad badanna waxeey isweydiiyeen, intee nagala soo galay.
Illaa iyo maantana su’aashi waa ay taagan tahay, waxaase marag ma doonta noqotay inuu Muuse masiiba
la daba taagan yahay magaalada Muqdisho, muraayaddi waddankenna, maamulkasta oo loo sameeyana uu mucaarado. Kolki hore wuxuu
cagta-cagta u saaray maamulki uu madaxa ka ahaa Dr. Xuseen Cali Axmed, maantana kii Dr. Cadde Xassan Cali Gaaboow.
Qeybti ( V )
Muuse Suudi Yalaxow wuxuu mudan yahay in lagu qoro buugga lagu magacaabo “GUINNESS WORLD RECORDS”,
buuggaasoo lagu qoro dhacdooyinka ugu yaabka badan iyo dadki sameeyay.
Muuse wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan mudanayaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed
una dheer tahay Wasiirnimo asagoon wax aqoon ah laheyn amaba soo marin waxbarasho ceynkey noqotaba. Waa wax aan maangal aheyn
haddana waa ay dhacday.
Waxaa marag madoonto noqotay in jagooyinkaas ay ku yaraadeed Muuse, uuna door biday inuu ku darsado Guddoomiyanimada
gobolka Banaadir. Muuse wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siduu ku hanan lahaa.
Muuse Suudi, asagoon taariikhdiisa dib u eegin ayuu garab ka doontay mudanayaasha kala ah Cali Mahdi iyo
Cabdilqaasim Salaad, kubaas uu ka jallaafay dawladahoodi ku meel gaarka ahaa, kama eysan waalinnin, waxayna ugu soo hadal
qabsadeen “USOO AROOR AADAN YABAAL ABAALNA KUUMA ERGANEE”.
Kadib wuxuu beegsaday rag ay ka mid yihiin Bashiir Raage, Ingineer Eenow iyo Cabdulqaadir Beebe, wuu ku hungoobay,
wuxuuna kala kulmay diidada qeyixan. Waxay dhegtiisa ku dhibciyeen inuusan gobolka Banaadir u baahneyn laba maamul oo isbar-bar
socda, dhibaata cusub iyo iska hor imaad dagaal.
Muuse Suudi asagoon quusan ayuu waajahay Ingineer Maxamed Xuseen Caddow, jawaabti la siiyayna waxay noqotay
“XAAJI KABA KAA WAAWEYN, AADAN KU SOCON KARIN AYAAD ILLATAY”, gobolkuna maamul ayuu lee yahay, guddoomiyaha sharciga
ahna waa Dr. Cadde ee shaqadi laguu soo xilsaaray ka fiirso.
Madaalaha, tii ugu darneyd wuxuu kala kulmay Mudane Shariif Xassan, guddoomiyaha Baarlamaanka, kaasoo ku
yiri “XAAJI WAAD GUDUBTAYE, DIB USOO NOQO”, ereyadaas, Muuse ma’uusan ka helin, laakin wuxuu muujiyay nin
qoyani biyo iskama dhowro, taasoo uu weli riyo maalmeedki uu ku dhex jiro.
Qeybti ( VI )
Muuse Suudi Yalaxow oo quus taagan ayaa Madiina Generaale u iftiimisay inuu Cabdilqaasim Salaad Xassan ka
helaayo gargaar dhinac walba ah, laakinse uusan dooneynin inuu ka muuqdo masraxiyadda loogu ololeynaayo jallaafidda dowladda
Federaalka Soomaaliyeed. Taasi ma’ahayn mid lala soo jeclaaday Muuse ee waxay ka dambeysay fashilaaddi ina Salaad Booy
uga timid dhinaca Jubbooyinka iyo Shabeelaha Hoose, kubaasoo qoorshahiisa diiday, lana saftay dowladda Federaalka ah. Muuse
oo aanan fahmin sida arrimuhu isu daba marayaan, farxaddana ka badatay ayaa go’aansaday inuu howshiisa soo dedejiyo,
Madiinana ugu abaal gudo u magacaabidda guddoomiyaha maamulka cusub ee gobolka Banaadir.
Sidi lagu yaqiinnay Muuse, ka fiirsasho la’aan ayuu u maalgeliyay sidi xaflad loogu sameyn lahaa soo
bandhigidda qoorsha ka dhanka ah dowladdi uu ugu soo dhaartay magaca Ilaah.
Xafladdi oo dhacday 25ki Disembar 2005, waxaa si lama filaan ah uga dhinac muuqday Cabdilqaasim Salaad Xassan,
kaasoo mar qura ummaddi Soomaaliyeed ku riday fajac, amakaag iyo wax laga naxo. Inkastoo ay taariikhdu waxna ka tegeyn
haddana Cabdilqaasin Salaad Xassan wuxuu ku baal noqday Muuse Suudi Yalaxow, wuxuunna muteystay in aqoontiisa wax laga sheego
iyo falka gurracan oo aanan laga fileyn nin lagu tilmaami karo waxgarad aqoon leh.
Qeybti ( VII )
Muuse Suudi Yalaxow oo aanan xirfad u lahayn siyaasadda, nasiib darrana u dheer tahay, uu aqrin karin haddii
uu ka faa iideysan lahaa war-sidayaasha iyo bogagga Internet-ka wixi dhacdooyin, digniin, guubaabo, talo iyo wixi la mid ahba
ay qoraan Soomaali weynta isugu jirta aqoon-yahanno, culumaa uddiin, siyaasiyiin, waxgarad da'walba leh, kana kooban rag iyo
dumar. Muuse waxaa intaa u dheer xaq darro ka indha iyo dhaga tirtay hagardaamada lala raadinaayay.
Muuse Suudi wuxuu sannadka 2006da ugu dhashay waji gabax iyo goob cidla’ah, wey u noqon weeyday sidi
uu rabay iyo si u dhowba, dadki uu xaq darrada ku aaminay, kana doorbiday dadkiisi ayaa ugu jawaabay Xaaji xoolaha waa leysla
jiray waana lakala jirtay ee qeybtaada bal meesha ka deydeyo, ka dib markey sufur ku ogaadeen. Waxaa herta cad si abaal marin
ah dhulka ula dhacay ina Salaad Booy ka dibna si aan abid la maqal ugu digtay ina Qanyare.
Muuse Suudi Yalaxow oo aanan wanaag meelna dhigan, umaddana ka dheregsan tahay ninka uu yahay, mooryaanti
uu ku hanjabi jrayna ay ku gadooddaay, goob cila ahana uga dhaqaaqay, gaba-gabadi taariikh nololeedkiisana ku jiro ayaanan
la ogeyn gunaanadkiisa.
Waxay dad badan isweydiinayaan ma asagaa iska taqalusi doona mise ragga ay siyaasadda isaga hor yimaadeen
ayaa u dheereyn doona. Halka dadka qaarkiis ay leeyihiin mawaxaa looga aargudi doonaa dadki uu laayay mise kubi uu sigay.
Dadka qaarbaaba leh ma dawladda Federaalka ah ayaa maxkamad soo saari doonta mise Interpol ayaa gacanta ku
dhigi doonto oo horkeni maxkamadda Heig. Waxaase looga baqaa in dawladda Mareyka la wareegto oo Guantanamo Bey laga sheego.
Sidey noqotaba taariikhda ayaa meel ku sheegi doonta.
Cariif Samaale
Editorial@radiofreesomalia.com

 Jeneral Adan Cabdilaahi Nuur ( Gabyow) waxa uu ku dhashay magalada Madogaashe ee gobolka Waqooyiga bari ee dalka Kenya. Waxa
uu askarinimada qortay 1947-dii xiligaasoo uu ku biiray ciidamadii la oran jiray KAR King African Rifle oo Ingiriisku uu lahaa
, Batalyanka sadaxaad. Dhibowgana waxa uu kaga baxay Magaalada Jinja ee caasimada labaad ee dalka Uganda. Isla sanadkii
uu dhibowga dhameystey, waxaa loo qaaday magaalada Jigjiga oo ciidamadii KAR ay xaruntoodu ahayd. Jigjiga ka dib waxaa
loo soo badalay magaalada Kismaayo 1950-kii markii dowlada Ingiriisku ay koonfurta Soomaliya ku wareejisay Talyaaniga. Addan
gabyow waxa uu ka mid ahaa Cutubkii ugu dambeeyay ee laga soo qaado magaalada Kismaayo. Waxaana lo soo wareejiyay magaalada
Yanyuki ee dalka kenya. 1951-dii waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska ee ka dagaalamay Dalka Kuuriya. 1952-dii
waxaa lagu soo celiyay dalka Kenya. Isla Sanadkaasi 1952-dii markii uu dhintay King Goerge-kii England adan gabyow
waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Africaanka ee loo qadaay caleemo saarkii Boqorada Queen Elezabeth waxa uuna ka mid ahaa askartii
Kenya ka socotay. Subaxaasi boqorada la boqrayay Adan Gabyow Allaha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa ciidamadii ku
horgaardiYay Boqarada waxa uuna safka ugu hore kaga jiray gardigaasi loo samaynayay caleemo saarkii Queen Elizabeth darajadiisuna
waxau ahay Sajin Major. 1953-dii waxa uu macalain tawabare meleteri ah ka noqday xerada meleteriga ee Lanet ee ku
taala magaalada Nakuru ee dalkan Kenya oo markaasi ahay xarunta Tawabarada ee wadamada Bariga Africa. 1954-tii waxa
lagu celiyay Batalyankiisii ama guutidiisii KAR oo markaasi dagaal kula Jirtay Jabhadii Maw Maw-ga ee Kenya xornimada u raadinaysay
. Jeneraal Aadan Cabdullaahi Nuur Gabyow, Allaha-u-Naxariistee waxa uu Soomaaliya soo galay sannadkii 1970-kii isagoo
ka soo baxsaday maamulka dalka Kenya halkaasoo la sheegay in uu ka ahaa Gaashaanle ciidamada ka tirsan. Isla markii
uu soo galay dalka waxaa masuul looga dhigay xero markaasi cusbayd oo la dhihi jiray Bootiko, kaddibna loo bixiyey Xerada
Tababarka Xalane, halkasoo uu darajada Gaashaanle Sare ku qaatay sannadkii 1976-kii, waxana uu joogay Xalane ilaa sannadkii
1979-kii. Laakiin, markii la aasaasay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed sannadkii 1976-dii ayuu Allaha-u-Naxariistee
Jeneraal Aadan Gabyow waxa uu ka noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan golihii dhexe ee xisbigaasi oo ahaa midkii keliya ee
jiray isla markaana talada dalka hayey. Sannadkii 1979-kii waxa uu General Gabyow qaatay darajada Jeneraalnimada,
waxaana laga dhigay wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga. Sannadkii 1986, ayuu misana waxa uu noqday wasiirka wasaaradda
Gaashaandhigga. Laakiin, isla sannadkii xigay ee 1987-dii waxa uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweyhinii
dalka, taasoo keentay in laga qaado wasaaraddii gaashaandhigga ee xogga badnayd isla markaana loo dhiibo wasaaradda Dalxiiska
oo iyadu markaasi loo arkayey in lagu asturo siyaasigii laga xishoonayo isla markaana aan loo haynin jago muhiim ah, dabadeedna
waxaa looga sii gudbiyey wasaaradda madaxtooyada oo ayadu lahayd dhowr wasiir oo aan wasaarado lahayn. Khilaafkii
Jeneraal Gabyow iyo madaxweynaha ayaa soo xoogeystay, waxayna taasi keentay in la xiro Jeneraal Gabyow sannadkii 1989-kii,
laakiin maaddaama aysan dowladdu xilligaasi ku taagnayn lugo xoog leh ayaa waxaa durbaba Jeneraal Gabyow cafis loo fideyey
isla markii uu billowday Kacdoonkii Muqdisho horraantii bishii Jenaayo ee sannadkii 1991. Allaha-u-Naxariistee Jeneraal
Gabyow siyaasadda intaasi kagama harin ee waxa uu durbaba noqday guddoomiyaha garab ka mid ah garabyada ururkii SPM. Jeneraal
Gabyow waxa uu misana taxaaluf siyaasadeed la yeeshay Cali Mahdi Maxamed oo markaasi hoggaaminayey rag kaloo badan oo dhammaandoona
ka soo wada horjeeday Jeneral Caydiid, waxayna shirkii Addis Ababa ee sannadkii 1993-kii uga qeybgaleen iyagoo la yiraado
ururrada 12-ka ah. Sida uu Cali Mahdi Maxamed ii sheegay Jeneraal Aadan Gabyow waxa uu ahaa nin xagga siyaasadda mar
kasta ay ula janjeertay dhinaca dib u heshiisiinta iyo dib u soo noolaynta Soomaaliya. Sannadkii 1995-tii waxa uu
Jeneraal Gabyow ka mid noqday ururro ku bahoobay magaca SSA oo 13 urur ahaa oo uuna guddoominayey Cali Mahdi Maxamed, waxuuna
Jeneraal Gabyow ka qeybgalay shirkii Soodare ee Itoobiya iyo weliba kii Qaahira ee sannadkii 1997-dii kaasoo ay isaga iyo
Colonel Cabdullaahi Yuusuf isaga baxeen. Xilligaasi kaddib, Jeneraal Gabyow waxa uu muddo dheer joogay dalka Itoobiya,
isagoo misana mucaaraday shirkii dalka Djibouti ee lagu soo dhisay dowladda KMG ah, wuxuuna dabadeed ka mid noqday guddoonka
wareegga ah ee ururka SRRC-da ee lagu soo dhisay dalka Itoobiya, sannadkii 2001. Ilaa intii uu billowday shirka hadda
kooxaha Soomaalida uga socda dalka Kenya, waxa uu Cali Mahdi ii sheegay in uu Jeneraal Gabyow door muhiim ah ka ciyaaray isu
soo dhoweynta dadka gaar ahaanna intii la joogay magaalada Eldoret, xilligaaso xitaa mar loo doortay guddoomiyennimada shirka.
Geerida Allaha-u-Naxariistii Jeneraal Aadan Cabdullaahi Nuur Gabyow waxa ay tirada hal ka dhimaysaa ragga ay weli
tiradoodu soo kordhayso ee hadda u sharraxan madaxweynennimada Soomaaliya ee shirka Soomaalida ee Kenya, waxaana weliba si
weyn mar kasta loogu xusuusan doonaa hadalladiisii aanay dhagarta ku jirin ee uu masraxyada siyaasadda dadka ka hor dhihi
jiray. Jeneraal Aadan Gabow, Allaha-u-Naxariisto.
Taariikhda C/raxmaan Tuur
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Axmed Siciid Cige -
BBCSomali.Com
Cabdiraxman Axmed Cali oo loo yaqaaney Cabdiraxman Tuur ahaana siyaasi weyn oo Soomaaliyeed,
jagooyin badanna ka soo qabtey Soomaaliya iyo Somaliland ayaa bsihan November 8dii ku geeriyoodey magaalada London.
Allaha
u naxariistee, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) wuxuu ku dhashay miyiga hawdka magaalada Burco, qiyaastii sida dad yaqaannay
ay BBC-da u sheegeen, kun sagaal boqol iyo dhawr iyo labaatankii.
Walaalkii Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabihii waxbarashada
Soomaaliyeed ayaa Cabdiraxmaan ka soo kaxeeyay miyiga oo ku daray dugsiga, iyagoo isku fasal noqday rag kale oo uu ugu magic
dheeraa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Waqtigaasi wuxuu ku aaddanaa 1943kii ayuu Cabdiraxman ku biirey
dugsiga caanka ah ee sheekh. Wuxuu ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali arday ku fiicn waxbarashada iyo ispoortigaba oo marnaba aan
laga qaadi jirin kaalinta kowaad.
Cabdiraxmaan Axmed Cali alla ha u naxariistee markii uu dhammeystay waxbarashadiisii
dugsiga dhexe ee sheekh wuxuu waxbarashadii dugsiga sare ku soo dhammeystay dugsi sare oo la yidhaahdo XANTUUB oo ku yaalla
dalka Sudan, magaalada Khartuum.
Wuxuu kadib diploma sare oo ah cilmiga maamulka ku soo qaatay jaamicadda la yidhaahdo
EXETER UNIVERSITY ee dalka Britain. Somaliland ayuu Cabdiraxmaan ku soo laabtay wuxuuna noqday kaaliyaha DC-ga Boorama oo
ahayd shaqadiisii ugu horreysay.
Sanooyinkii 1961-1963kii wuxuu noqdey Guddoomiyaha Gobolka woqooyi Bari ee magaalo
madaxda ay u ahayd Burco ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Sanadkii 1964kii wuxuu kaloo noqday Guddoomiyaha Gobolkii Woqooyi Galbeed
ee Hargeysa ay magaalo madaxda u ahayd ee Jaamhuuriyaddii Soomaaliya, iyadoo isla sannadkaasi uu noqday Safiirkii Soomaaliya
ee Sudan oo loo beddelay Khartuum.
Sanadkii 1968kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ka qayb galay doorashadii baarlamaanka
ee Soomaaliya isagoo furtay xisbi oo iska soo sharaxay magaalada Burco, laakiin kumuu soo bixin doorashadii.
Cabdiraxmaan
wuxuu mar kale ku noqday shaqadiisii Safiirnnimada isagoo mudadii u dhaxeysay 1969kii ilaa iyo 1977kii uu ahaa safiirka Soomaaliya
ee Addis-ababa ee dalka Ethiopia .
Sanadkii 1978kii wuxuu kaloo noqday safiirkii Soomaaliya ee Barlin ee Jarmalkii
Bari, isagoo markii danbena noqday Danjiraha Somaliya ee Imaaraadka Carabta oo uu joogay ilaa iyo 1984kii, xilligaasi oo uu
ka goostay dawladdii Siyaad Bare kuna biiray Jabhaddii SNM.
Cabraxmaan Tuur isla sannadkaasi 1984kii wuxuu noqday wakiilka
SNM ee Yurub oo fadhigiisuna ahaa London. April 1990kii waxaa loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali Guddoomiyaha SNM isagoo
xilka kala wareegay Axmed Siilaanyo.
May 1991kii waxaa Cabdiraxmaan Tuur loogu doortay shirweynihii beelaha Somaliland
ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland inuu ahaado madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda loo bixiyay Somaliland
muddo labo sano ah.
Shantii May 1993kii shirweynihii kale ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorama waxaa Cabdiraxmaan
Tuur uu xilkii ku wareejiyay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo shirku u doortay madaxweynaha Somaliland.
April 1994kii
Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ku dhawaaqay isagoo markaa ahaa guddoomiyaha SNM inuu ka noqday mowqifkii goonni isutaagga Somaliland
oo uu aaminsanyahay nidaamka Federaalka oo ay ku midoobaan woqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya .
Wuxuu noqday Cabdiraxmaan
Tuur waqtigaasi ka dib madaxweyne ku-xigeenkii kowaad ee dawladdii Salballaadh ee uu Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid kaga
dhawaaqay magaalada Muqdisho.
Waqtigaasi wixii ka danbeeyay wuxuu marxuumku u badnaa magaalooyinka Muqdisho iyo London,
hase ahaatee wuxuu Hargeysa yimid bishii April ee sannadkan 2003, markaasoo uu u ololeeyay sidii uu u soo bixi lahaa doorashadii
socotay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ka sharaxnaa xisbiga UDUB, kadibna wuxuu ku laabtay magaalada London oo uu ku
geeriyooday 8dii November 2003.
Alla ha u naxariistee maydka marxuumka waxaa la keenayaa magaalada Hargeysa 13ka November
2003 oo si heer qaran ah loogu aasi doono.
|
| TAARIIKH-NOLOLEEDKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA MD. CABDULLAAHI YUUSUF AXMED |
| - Sunday, October 10, 2004 at 22:06 |
| |
10/10/04
|

|
|
Madaxweynaha
Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed | |
-
Waxa uu ku dhashay Gaalkacyo, Puntland – Somaaliya
bishii Diseenbar 1934 kii.
-
Waxaa u dhaxda marwo Xaawa Abdi Samatar oo ay isu dhaleen afar caruur ah: Maxamed, Maryan,
Khadiija iyo Axmed
WAXBARASHADA
-
1954-1957 Kulliyadda Tababarka Saraakiisha, Italy.
-
1965-1968 Kuliyadda Dagaalka (Staff & Command), Midowgii Soofiyeeti ee hore.
-
1977- Ku biiray Kuliyadda Sharciga – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
-
Haysta billad-geesiyo iyo kuwo hoggaan.
SIYAASADDA
IYO MILATARIGA
-
Gaashaanle Sare - Ciidamda Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
-
Madaxa xafiiska shaqaalaha iyo tababarada ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
-
Wuxuu ka horyimid af-ganbigii milatari ee Maxamed Siyaad Barre dalka ku
qabsaday 1969-kii wuxuuna ku mutaystay lix sano oo xarig ah.
-
1977-kii Dagaalkii Ogaadeen kadib waxa uu kamid ahaa saraakiil damacday in ay xukunka ka tuuraan xukuumaddii Barre.
-
1978- kii Waxa uu Itoobiya
ka aas-aasay jabhaddii SSDF.
-
1985-kii Waxaa xiray taliskii Mengistu Haile Marian kadib markii uu ka horyimid
sheegashada Itoobiyaa dhulkii ay jabhaddu xoraysay.
-
1991-kii waxa uu dib u habeeyay
Jabhaddii SSDF kadib markii laga soo siidaayay xarigii Itoobiya.
-
1991-Waxa uu madax ka noqdaya guddigii xaaladda deg-degga ee goballadii
Waqooyi Bari (Bari, Nugaal iyo Mudug) oo hadda iyada oo ay ku biireen Sool, Sanaag iyo Cayn loo yaqaano Puntland. Guddigu waxa uu mas’uul ka ahaa difaaca dalka ee colaadaha sokeeye.
-
1996-1997-kii Waxa uu kamid noqday guddoomiyayaashii wareega ahaa ee Golaha
Badbaadada Qaranka (Sodare)
-
1998-kii waxaa loo doortay madaxweeynaha xukuumaddii koowaad ee Dawlad–Gobaleedka
Puntland
-
Waxa uu xiriir aad u wacan la leeyahay madaxda dawladaha dariska ah ee Itoobiya
iyo Keenaya iyo waliba Yaman
-
Saamayn wayn iyo qadarin qoto dheer ayuu ku leeyahay Soomaaliya iyo dibaddaba
ARAGTIDIISA
SOOMALIYA
-
Dawlad Federaal ah oo ay awoodda leeyihiin goballadu
-
Ganacsiga suuqa xorta ah
-
Nabad ku wada noolaansho wadamada dariska ah ee Geeska Afrika
-
Xiriir adag oo uu la yeesho wadamda Galbeedka
MABAADII’DA, IYO QAAB NOLOLEEDKIISA LIFE
-
Waa nin dhamaystiran, lehna mabaa’di siyaasadeed oo aan is bad-badal lahayn
-
Waa
hogaamiye si wayn uga soo horjeedda wax is-daba marinta iyo danaha shakhsiga
-
Waa shakhsiyad aan
balwad lahayn, hadday ahana lahayd sigaar, qaad iyo dhamaan noocyada kale ee balwadda |
|
Taariikh
Nololeed (Curriculum Vitae)

Madaxweynaha Midnimada iyo nabadda Dr. Cabdidqaasim Salaad Xasan
Magaca:
Dr. Cabdiqassim
Salaad Xassan
Meesha
iyo Dhalashada:
Dusa Mareb, 1942
Jinsiyadda:
Somali
Xaaladda
Qoys: Xaas iyo Caruur
Waxbarasho:
1959-60
Tababar Farsamo, Machadka Maamulka, Cairo
1960-64
Shahaado Jaamacad, Seynis Dabiici, Jaamacadda Dowladda Moscow (Moscow State University)
1964-65
Shahaado Takhasus, Jaamacadda Dowladda Moscow
1967-68
Shahaado, Machadka Maamulka iyo Maareynta, (SIPA)
Bare Jaamacadeed ee Waqti kooban, Istatuutada Jaamacadda Soomaaliya, ka dibna noqotay Jaamacadda Ummadda Soomaaliya.
Waayo
Aragnino:
2000- Xilligan:
Madaxweyne, Dawladda KMG ee Soomaaliya
1990-91:
Ku Xigeenka Raiisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha
1989-89:
Wasiirka Ganacsiga
1988-89:
Wasiir, Xaafiiska
Madaxweynaha
1985-87:
Wasiirka Howlaha
Guud
1982-83:
Wasiirka Shaqada
iyo Arrimaha Bulshada
1981-82:
Wasiirka Tacliinta
Sare
1980-81:
Guddoomiyaha, Guddiga Arrimha Dibadda ee Baarlamaanka
1977-79:
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
1976-77:
Wasiirka Warfaafinta
1973-76:
Wasiirka Warshadaha
1971-72
Maareeyaha Guud, Cuntada Degdegga ah (Crash Programme)
1968-69
Bare, Dugsiga Sare Dhagaxtuur
1966-68:
Madaxa, Cilmi Baarista Beeraha
Xirfadda
Luqadaha
Ingiriis
Talyaani
Carabi
Ruush
Fransiis
Qoraallo:
Qoraallo
kale duwan:
Cilmiga Beeraha, Taariikhda Soomaaliya iyo Siyaasadda
Fiiro Gaar Ah
Mudane, Dr. Cabdiqassim Salaad Xasan wuxuu joogay Soomaaliya
muddo badan intii dagaalka sokeeye jiray. Muddadaas dhibka badneyd, Mudane, Dr.
Xasan wuxuu u istaagay in uu gacan ka geysto dib u heshiisiinta kooxihii kale duwanaa ee dalka ku dagaalamayey. Wuxuu hantay kalsoonida ummadda Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen odayaal dhaqameedka, ururada bulshada
iyo hogaamiye kooxeedka. Taasi waxay keentay in badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed
ay ku qanciyeen Mudane Cabdiqaasim in uu isku sharaxo madaxnimada Soomaaliya shirkii lagu qabtay Carta, dalka Jabuuti, 2000,
taas oo uu si fudud ugu adkaaday Madaxweynanimada Ummadda Soomaaliyeed. Mudane
Cabdiqaasim wuxuu mar kale u taagan yahay jagada Madaxweynaha Soomaaliya, doorashada lagu qabanayo, Nairobi, Kenya, si uu
u dhameystiro dib u heshiisiintii uu bilaabay iyo barjaamijkii dhaqaalaha, bulshada iyo horumarka Soomaaliya.
Cabdi qaasin waxaa kala wareegay madan tinimadii C/alaahi
yuusuf ahmed oo ku soo baxay doorashdii cusbay ee dhacay 10/10/04
Maxamed Ibraahim Cigaal oo geeriyooday
 Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Axmed Siciid
Cige- London
Waxaa maanta magaalada Pretoria ku geeriyooday, Madaxweynaha Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahim
Cigaal.
Maxamed Ibraahim Cigaal oo ay da'diisu tahay ku dhowaad siddeetan sano, waxaa uu Soomaaliya ka soo noqday Ra'iisal
Wasaare lixdamaadkii.
| Warkan waxaa BBC-da u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta ee Somaliland
Cabdullahi Maxamed Ducaale |
| Cigaal waxaa lagu tilmaami
karaa siyaasiyiinta Soomaaliyed ee xilalkiisa oo kale qabtay kii ugu wakhtiga dheeraa nolosha siyaasadda.
Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929- kii degmada Odweyne ee gobolka Togdheer.
Yaraantiisii waxuu ku barbaaray
magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur'aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.
Warbarasha
sare ayuu u tegay oo la xiriirta xagga ganacsiga magaalada London, ee waddanka Britain, waxaana uu dalka dib ugu laabtay,
horaantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL.
Sanadkii 1956-dii
Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xooghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey
xornimadii Soomaali-Land.
 Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal | Bishii Feberwari, sanadkii 1960-kii,
Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, waxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Soomaali-Land ay xornimadeeda ka qaadato
Dowladda Ingriiska taariikhdu markeey tahay 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka.
Markaasi waxaa Cigaal ku wehliyay heshiiskaas,
rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.
Maxamed
Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee waxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Soomaali-land, kadib markey xornimadeeda
gaartay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.
1-dii July 1960-kii markii gobollaada koofureed ee Soomaaliya ay iyana xornimadoodii
ka qaateen dowladda Talyaaniga ee ay dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hogaaminaayey wafdigii
ka socday Soomaali-land wuxuu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horeeyey Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
waxuu kaluu noqday wasiirka tacliinta ee Soomaaliya 1963-dii ilaa iyo 1964-tii, hase yeeshee wuu iska casilay gollihii wasiirrada
ee sanadkaasi, isagoo hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ahaa oo la oran jiray SNC,markii dambena wuxuu ku biiray Cigaal xisbigii
SYL.
10-kii July 1967-dii, wuxuu noqday Cigaal ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali Sharma'arke
loo doortay xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya.
Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra'iisul-wasaaraha doorashooyinkii
1969-kii .
21 Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya,
Maxamed Ibraahim Cigaal waxuu ahaa Ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la doorto, waana la xiray,
wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-dii bishii February, marka laga reebo muddo sanad ka yarayd oo ahayd 1975-tii
ilaa iyo 1976-dii, oo mar loo agacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga
ayaa lagu celiyey.
1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin
jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba.
Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal wuxuu ka qeyb galay sanadkii
1991-dii, shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ee Jabuuti, 1993-dii bishii May 5-teedii Cigaal waxaa loo doortay Madaxweynaha
Soomaali-land, iyadoo jagadaasi dib hadana loogu doortay sanadkii 1997-dii.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu todobaadkii
hore daweeyn u tagay dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada
ee Soomaali-Land.
Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha U Naxariistee, wuxuu guursaday intii uu noolaa shan dumar ah,
wuxuuna dhalay shan caruur ah oo kala ah sadex wiil iyo laba gabdhood, oo intaba ay u dhashay Marwo Caasha Saciid Caabi. 
 |
Ra'iisul wasaaraha cusub, Cali Maxamed Geeddi |
Ra'iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, prof Cali Maxamed Geeddi, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho
sanadkii 1952-dii.
Aabihii wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada military-ga Soomaaliyda.
Wuxuu ra'iisul wasaaruhu waxbarashadiisa hoose, dhexe, sare iyo Jaamacadeedba ku qaatay isla magaalada
Muqdisho, isagoo Jaamacaada Ummadda Soomaaliyeed kuliyadda daawada iyo xanaanada xoolaha ka baxay sanadkii 1978-dii, wuxuu
kaloo wax ku bartay Jaamacadda Pisa ee dalka Talyaaniga, oo uu ka qaatay shahaadada Phd.
Howlaha uu soo qabtay
Wuxuu macalin ka ahaa sanadkii 1983 ilaa 1990 Jaamcadda ummadda Soomaaliyeed kuliyadda daawada iyo xanaanad
xoolaha.
Wuxuu ilaa labadii kun iyo sadexdii la soo shaqeeyay Xafiiska Africa ee khayraadka xoolaha oo hoos taga
ururka Midowga Africa, wuxuu mar noqday sarkaal laga tashado ganacsiga xoolaha iyo suuqgaynta ee xafiiska aan soo sheegnay,
xaruntiisuna ahayd magaalada Nairobi ee Kenya.
Wuxuu sanadkii 1997-dii ahaa sarkaalka suuqgaynta u qaabilsan Shirkadaha ganacsi ee Dayax iyo Ramadan oo
ka shaqaynayay Muqdisho, Djibouti iyo Bujumbura (burundi).
 |
Madaxwaynaha iyo ra'iisul wasaaraha |
Mudane Cali Maxamed Geeddi, wuxuu ka qaybgalay shirar dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo lagu qabtay gudaha
dalka iyo dibadiisaba, waxaa ka mid ahaa shirkii 1997-dii hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Qaahira
oo uu ka ahaa la taliye.
Wuxuu xoghaye guud ka ahaa shirkii nabadda iyo dib u heshiisiinta ee bulshada ku dhaqan gobolada dhexe
iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya oo 1998-dii ilaa 1999-kii ka dhacay magaalada Beledwayn ee gobolka Hiiraan.
Wuxuu ka qaybgalay ama abaabulay siminaaro iyo aqoon iswaydaarsiyo kala duwan oo ku saabsan dib u soo celinta
nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho
Wuxuu 1994 ilaa 1996-dii ahaa guddoomiyaha Daladda NGO-yada Soomaaliya oo xarunteedu ahayd magaalada Muqdisho.
1992 ilaa 1994, wuxuu guddoominayay ururka Dhaqaatiirta Xannaanada xoolaha ee Shabeelaha Hoose oo Jowhar saldhigeedu ahaa.
Wuxuu daabacay qoraallo shan ka badan oo intooda badan quseeya xanaanada xoolaha iyo beeraha.

Cabdullaahi Axmed Cadow wuxuu soo maray heerar kala duwan.
Danjire Cadow wuxuu soo qabtay
jagooyin u dhexeeya askari ilaa jago wasiir oo uu ku soo qaatay inta badan waqtigiisa, gaar ahaan intii u dhaxeysay 1957 ilaa1990.
1965
wuxuu soo noqday agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadda ee Jamhuuradda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu waqtigan loo magacaabay
in uu noqdo guddoomiyaha bankiga.
Markii uu dhashay maamulki militariga ahaa ee uu hor kacayay Jen. Max'ed Siyaad Barre,
waxaa durbadiiba loo magacaabay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiyo dalalka Mareykanka iyo Canada.
Kadib waxaa la
soo badalay oo laga dhigay wasiirka maaliyadda, ayadoo uu xilkani haayay muddo afar sano iyo bar ah.
Dr. Cabdullaahi
Axmed Cadow waxaa loo badalay in uu noqdo wasiirka madaxtooyada ee qaabilsan arrimaha dhaqaalaha.
Markii uu arkay
maamulkii Max'ed Siyaad in siyaasadda dowladooda ay ka wiiqantan dhanka magaalooyinka Washinton iyo Ontoria, waxaa mar kale
lagu soo celiyay mudane Cadow jagada safiirnamadiisii labadan magaalo.
Markii ugu dambeysay Cabdullaahi Cadow wuxuu
ahaa wasiirka madaxtooyada ee arrimaha dhaqaalaha. |
|