By: Maxamed C/laahi Cali Tiriig.
Waxaa isku soo hagajiyey websit ka
Hilinkatoosan online
oo aan ka soo qatay
Halgankii Cusmaan Yuusuf keenadiid ee Fartii cusmaaniyada
Gabayadii Cusman Y. Kenadid
Aabbihii Waxbarashada: Maxamuud Axmed Cali


Waxa igu takhlan wax badan. Waxaan tebanayaa wax badan. Waxaan tiigsadaa
wax maqan, waxana tasoobi kara wax badan. Tilmaanta lagu soo baadi sooci karo magaca Maxamuud Axmed Cali in ay tahay Aabbihii
Tacliinta ummaddeenna waa arrin lagu wada qanacsan yahay oo aanu maanta muran ka taagnayn. Hase yeeshee waxa tabashada dareenku
sii kordhaysaa, guhaad iyo canaan kobocsan oo qalbiga ogoggiisa ka soo go’ayna kugu taagmayaan marka intaas hoos looga
sii daadego ee wax la iska weydiiyo sooyaalka iyo taariikh-nololeedkii shakhsiyaddaas mudan, shakhsiyaddaas magaceedu maamuuska
iyo milgaha leeyahay, shakhsiyaaddaas maqaamka sare ku leh taariikhda ummadda, godka ma-guuraanka ahna ka fadhiisata sooyaalka
ummadda iyo dhigaalladeeda ay ku dhaashato, kuna indha kuulato ee hiraalkeeda ku astaysan.
Dad badan oo weliba
u togan inta isku tirisa in ay aqoonta ehel u yihiin, waxna barteen, ayaa waxa aanay ogayn ama aanay soo rogan karin wax dhaafsiisan
ama ka durugsan in Maxamuud Axmed Cali ahaa Aabbihii waxbarashada, waxana suurta gal ah in dad badan oo jiilasha dambe ka
mid ahina aanay xitaa intaasba haynin, in xitaa magacuba aanu maskaxdooda ku jirin, soona hor marin ogaalkooda. Miyaanay suurta
gal ahayn in magacuba tasoobo, in da’faceedda hadda koraysa iyo kuwa soo socdaaba aanay la kulmin magaca Maxamuud Axmed
Cali iyo inta kale ee inta badan ka mudan! Ma jirto dunida guudkeeda meel iska bannaani. Halka wax ka baxaan iskama bannaanaato
ee waxa buuxiya wax kale. Tolow maxaa dhacaya haddii magaca Maxamuud Axmed Cali iyo hebello kale halkooda ka baxaan? Miyaanay
suurta gal ahayn in wax sawaaban oo taban, boolina ahi soo baxaan oo halkooda fadhiistaan! Ummad aan taariikh sugan lahayni
waa ummad aan jiritaan sugan lahayn!

Halistaas bidhaamaysa ayaa joogtaynaysa in loo hollado in la raadiyo,
waxna laga qoro duug-yaal badan oo tiir-dhexaad u ah taariikhda ummadda iyo hidde-sidayaasheeda ay ku dhaadato. Maxamuud Axmed
Cali Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid yahay tiirarkaas waaweyn ee sooyaalka ummadda, waxanu macagiisu buuxinayaa oo lagu
soo baadi-sooci karaa tilmaansi-ahaan nuxurka ereyadii Alle ha u naxariistee C/laahi Qarshe : Aqoon la’aani waa iftiin
la’aan. Waxa uu Maxamuud ahaa aasaasihii iyo hirgeliyihii waxbarashada casriga ah, waxanu ahaa macallinkii suurta geliyey
in ay tacliin qaataan oo wax bartaan, aflaxaanna koox ahaan in badan oo ka mid ah qalinleydii ugu horreysey ee soomaalida.
Maxamuud
Axmed Cali waxa uu ku dhashay gobolka Togdheer, degmada Burco hilaad-ahaan kala guurkii labadii qarni ee tegey (dhammaadkii
qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad). Waxa uu Maxamuud waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay magaalada Berbera dugsi
ku yaalley oo wax lagu bari jirey arday isugu jirtey Carab iyo Hindi. Waxa uu ka mid ahaa arday fara-ku-tiris ah oo soomaali
ah oo dugsigaas loo oggolaaday. Sannadkii 1919kii waxa waxbarasho loogu diray waddanka Suudaan, waxanu tacliintiisa ka bilaabay
magaalada Khartuum kulliyad lagu baran jirey macallinnimada oo loo yaqaanney Bakhta Al-Ruda. Dhammaadkii tobanlihii 1920aadkii
ayaa Maxamuud Axmed Cali ka soo laabtay waxbarashadaas.
Markii uu gumaysigu soo galay arlada soomaalida waxa la yimi oo
weheliyey kooxo horseed u ahaa waxbarasho ka soo jeedda oo laga soo dheegtey Diinta Kiristaanka. Waxa 1891 dugsiyo noocaas
ah oo Baaderi (wadaad masiixi ah) madax u yahay laga furay magaalada Berbera iyo Bulla-xaar. 1905-tiina waxa laga furay magaalada
Saylac. Waxa dugsiyadaas ugu caansanaa Dhaymoole oo ahaa duleedka Berbera. Dadkii soomaalidu waxa ay ka hor yimaaddeen furitaanka
dugsiyadaas. Waxa soomaalidu la diiddanayd ubadkooda in la baro diin aan ahayn diintooda Islaamka, waxana soo baxay dareen
muujinaya in qasdiga ka dambeeya iskuulladaasi uu yahay mid la xidhiidha fidinta Diinta Kiristaanka. Sidaas darteed way xidhmeen
muddo ka dib dugsiyadaasi. Iskuulladaas Baaderiga raggii ugu horreyey ee waxbarashada ka bilaabay waxa ka mid ahaa Alle ha
u naxariistee Xaaji Faarax Oomaar, Xuseen Kaatoli, Ciise Faranji, Axmed Cali (Maykal Maryama aabbihii), Fideer, Maxamuud Diiriye
Suulaawe iyo qaar kale. Waxa markii dugsiyada Baaderigu xidhmeen nimankaas loo qaaday dhinaca magaalada Cadan oo looga sii
ambaqaaday tacliintaas Baaderiga.
Markii uu Maxamuud Axmed Cali waxbarshada Suudaan ka soo laabtay, waxa uu noqday shaqaale
dawladeed. Waxa uu Maxamuud ku baraarugsanaa ahmiyadda ay waxbarashadu leedahay, waxanu ka dheregsanaa oo fahansanaa khilaafka
dhex-yaallaa soomaalida iyo maamulayaashii gumaysiga. Sidaas darteed waxa uu ka fekerey in ubadka soomaalidu ay helaan waxbarasho
ka duwan taas fashilantay ee Baaderigu hormuudka u ahaa. Waxa uu isku taxalujiyey in gumaysigu taageero u fidiyo rugihii waxbarashada
ee soomaalida oo ahaa malcaamadihii qur’aanka, si la isugu soo taago oo ubadka loogu oggolaado in ay ka qayb qaataan
barashada aqoonta kale ee caadiga ah oo Maxamuud Axmed Cali uu gadh-wadeen ka ahaa. Waxa uu Maxamuud Axmed Cali la noolaa
dadkiisa, waxanu hiil u ahaa, una taagnaa sii horu marintiisa. Waxa uu daba joogey dedaalkii soo taxnaa ee Sh. Yuusuf Kownayn
ee Alif wax maleh, Ba’ hoos ku hal leh ama Alif la’ kor-dhabey, Alif la’ hoos-dhebey, Alif laa godey, waxanu
ku qanacsanaa in hore halkaas looga sii heetiyo oo tallaabo kale la sii ruqaansado.
Maxamuud Axmed Cali waxa uu geed dheer
iyo mid gaabanba u koray in uu aqoon ku ababiyo ubadka soomaalida iyo sidii loo heli lahaa goobihii waxbarashada lagu siin
lahaa ee la isugu keeni lahaa marka ay malcaamadaha ka soo aflaxaan. Maxamuud waxa uu geli jirey safarro dhaadheer si uu u
soo ururiyo carruur waxbarashadaas ka qayb qaadata. Waxa uu kaxaysan jirey rakuub (awr la fuulo) ama faras, waxanu dhex mari
jirey dhulka daaqsinka ah ee beelaha xoolo dhaqatada reer guuraaga ah ee soomaalida. Waxa uu weydiisan jirey in ay 20 ama
10 ama 5 wiil ku daraan, si uu u geeyo goobaha waxbarashada. Inta badan waa lagu diidi jirey arrintaas, meelaha qaarna waxa
uu kala kulmi jirey or iyo canbaarayn. Dadku waxa ay uga biya-diidayeen waxbarashada casriga ah, waxa ay ka dareen qabeen
dugsiyadii bilowga ahaa ee Baaderigu hor kuutinayey, hase yeeshee Maxamuud Axmed Cali waxa uu aqoonsanaa, una muuqatey baahida
loo qabey in la abuuro waxbarasho maaddi ah oo la jaanqaadi karta diinta iyo dhaqanka ummadda oo aan ahayn taas laga wayiigayey
ee baaderiyeysnayd.

1929 oo ku beegnayd xilligii uu Maxamuud waxbarashada ka soo
laabtay, waxa dhulkii soomaalida ee uu Ingriisku xukumi jirey (British Somaliland Protectrate) ka furnaa dhowr iskuul oo Ingriisku
maal gelin jirey, niman waddaado ah ayaana ardayda ugu dhigi jirey qorista iyo akhriska carabida iyo barashada xisaabta. Dhinacii
kale Talyaanigu xukumayey ee Koonfurta waxa xilligaas si fiican uga hana qaadayey dugsiyo badan oo hoos tegayey Kiniisadda
Talyaaniga, waxanay dugsiyadaasi ka furnaayeen magaalooyinka Muqdisho, Marka, Baraawe, Jilib, Afgooye, Baydhabo, Kismaayo,
Raas Xaafuun iyo meelo kale. Talyaanigu kalama kulmin Koonfurta cadaadiskii iyo diidmadii waxbarashada ee Ingriisku kala kulmay
Waqooyiga. Taas ayaana keentay in dugsiyo badani hore uga furmaan Koonfurta. Hormuudkii waxbarashada xilligaas bilowga ahaa
ee geyigaas soomaalida ee Talyaanigu gumaysanayey (Koonfurta) waxa uu ahaa Alle ha u naxariistee Macallin Jaamac Bilaal oo
dedaal weyn u galay tis-qaadka dugsiyada waxbarashada ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxideeda. Fartii Cismaaniyada oo uu horseed
u ahaa Alle naxariistii janno ha geeyee Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa iyana xoog ku lahayd meelo badan oo dhulalka soomaalida
ka mid ah. Udub-xooggii dhaqanka iyo hiddaha soomaalida Muuse Galaal ayaa isna dedaal u galay xilliyadii kuwaas ku taxnaa
kobcinta iyo soo bandhigidda bilicda iyo qanninamada suugaanta iyo afka soomaaliga.
Sannadihii 1930-naadkii waxa kordhaysey
tirada dugsiyada, waxana iskuullo laga dhisay magaalooyinka Berbera, Burco iyo Hargeysa. 1936 waxa Ingriisku Somaliland u
soo magacaabay agaasimihii ugu horreeyey ee arrimaha waxbarashada. Agaasimahaasi markii uu magaalada Burco soo gaadhey waxa
lagala hor yimi bannaan-baxyo xoog leh, dadna ay ku dhinteen. Maxamuud Axmed Cali iyo rag kale oo la fogaan-arag ahaa waxa
ay isku deyayeen mar walba in la isku soo dhoweeyo soomaalida iyo waxbarashada. Waxa xilligaas durba la bilaabay dhaqdhaqaaqii
ciyaaraha (sports) gaar ahaan cayaaraha fudud, sida jimicsiyada iwm.
Waxa ay Maxamuud aragti-wadaag ahaayeen Alle ha u
naxariistee Cabdi Siciid Xuseen oo Cadan wax ka soo bartay, una go’ay gardaadinta iyo kobcinta cayaaraha (Sportiga).
Cabdi Siciid waxa aynu ugu yeedhi karnaa Aabbihii Sportiga. Waxa la tilmaamaa in maalin lagula soo qamaamay dhagxaan magaalada
Berbera Cabdi Siciid iyo Maxamuud Axmed oo carruur jimicsi ku siinaya deyr meel iskuul ah ku dhex yaalla. Waxa laga tibaax
bixiyaa in niman sheedda ka halacsadeen carruur jimicsi ahaan u foor-foororsanaysa, waxanay u maleeyeen in carruurtu sujuudsan
tahay. Suuqa dadkii joogey ayay ku dhex dheceen, waxanay ku dhiillo geliyeen in carruurtii lagu khasbayo in ay cadceedda u
sujuudaan. Waxa halkaas ka dhashay baa la yidhi weerar lagu soo qaaday goobtaas carruurtu jimicsiga ku qaadanaysey.
Xilligii
dagaalkii 2aad ee dunida waxa magaalooyinka waaweyn ka furmay iskuullo kale oo cusub, waxanu Ingriisku bilaabay maal gelinta
19 malcaamadood oo ku yaalley Berbera, Burco, Hargeysa iyo magaalooyin kale. Waxa xilligaas ka dib soo iftiimayey dareen hoosta
ka xarriiqaya in indho ka duwan kuwii hore lagu eegayo dugsiyadaas laabta la soo kacayey ee waxbarashada, Maxamuud Axmed Calina
uu gadh-wadeenka ka ahaa. Waxa furmay dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud oo lagu qaadan jirey ilaa tacliinta dugsiga sare. 1953
waxa magaalada Burco laga furay dugsigii u horreeyey ee hablaha, waxana dalka ku baahay furitaanka dugsiyadii hoose iyo dhexe.
Ragga culimada ah ee furitaanka dugsiyada iyo kobcintooda dhiiri gelinta siinayey, waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee
Sh. Ismaaciil Faarax oo magaalada Burco malcaamadaha iyo dugsiyadii ugu horreeyey macallin ka ahaa.
Aabbihii Waxbarashada-
Maxamuud Axmed Cali waxa uu ibo-bixiyey, horseedna ka ahaa in ay wax bartaan dhalliinyaro badan oo degaanno kala duwan ka
soo kala jeeda laga soo bilaabo bariga shishe ilaa galbeedka durugsan dhulkii loo yaqaanney British Somaliland Protectorate,
maantana ah Jamhuuriyadda faca yar ee aan weli aqoonsiga ka helin beesha caalamka ee Somaliland. Waxa la tilmaamaa in kooxdii
ugu horreysey ee qalinka ku raad barataa tacliintaas dhaladka ah ay ka mid ahaayeen: Sh. Xasan Maygaag Samatar, Maxamed Shire
iyo Cali Jirde. Kooxdii labaadna waxa ka mid ahaa: Yuusuf X. Adan Qabille, Ismaaciil Yuusuf Samatar-Gaandi iyo Maxamed-Ruun
Sh. Madar.
Aabbihii Waxbarashada- Maxamuud Axmed Cali waxa uu ahaa nin hal-adayg leh, lana falgalay oo ku milmay duxda
hiddaha iyo dhaqanka soomaalida, kuna xidhan oo ka dab-qaata yaqiinta iyo diinta ummadda. Waxa dad xidhiidh gaar ah iyo aqoon
u lahaa ii caddeeyeen in nolosha iyo hab-dhaqanka Maxamuud Axmed Cali ay muxaafid u ahaayeen si wax-ku-oolnimo ah dhaqanka
iyo caqiidada ummadda, waxana qalbigiisa ku dheeraa oogidda salaadda. Ingriiska oo hoosta kala socdey shakhsiyaddiisa hanka
weyn iyo miigganaantiisa qofnimo, ayaa jeclaa in uu Maxamuud Axmed gumeysiga wax uun kula bahoobo, lana wadaago dhinaca caadada
iyo hab-dhaqanka nololeed ee wada macaamilka bulshaawiga ah, wuxuse Maxamuud Axmed Cali tusmaystay baadi-sooc (sumad) lagaga
hamrado, lagaga haybadeysto, laguna taxgeliyo oo ah inuu naftiisa iyo ahaanshaha asalkiisa ixtiraamay, yeeshayna dedaal iyo
firfircooni dhug leh, garasho leh, abbaarna leh oo ku astaysan dhaabadaynta dhaqanka iyo caqiidadiisa.
Aabbihii Waxbarashada- Maxamuud Axmed Cali waxa uu la dhashay
oo ay walaalo ahaayeen labadoodaba Alle ha u naxariistee C/raxmaan Axmed Cali-Tuur oo ahaa nin ku xeel-dheer arrimaha diblomaasiyadda,
ahaana madaxweynihii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Maxamuud Axmed Cali- Aabbihii Tacliintu waxa uu ku geeriyoodey
magaalada Muqdisho horraantii 1980-naadka, Allena ha u naxariistee waxa uu ifka kaga tegey wiil iyo dhowr gabdhood iyo dad
iyaga ka sii tafiirmay.
Kani waxa uu ahaa dheeg ku saabsan ibo-furka baadhitaan iyo daraaseyn ku taxmaysa Sooyaalkii Maxamuud
Axmed Cali- Abbihii Waxbarashada, waxannuna ka martiyaynaa, ka quud-darraynaynaa, kana codsanaynaa qof kasta oo haya tibaax
iyo tilmaan wax nagu biirin karta inuu noogu soo hagaajiyo Toobiyaha xidhiidh-tebineed (E-mail address) ee hoos inshu ugu
tegi doonto. Horaa loo yidhi ‘Far keli ahi; fool ma dhaqdo iyo tabantaabaday laba gacmood; tamar ku yeeshaan’.
Isla toos toosinta wixii tuur iyo tirbiicooyin yeeshaa; turxaan ma leh, tawsna ma reebaan; tiskase aan la isla tiir-tiirin
ee la isku tuur-tuuro, ayaa tiiraanyo reebi kara. Tubta toobiyeysan taas baanu u aragnaaye soo tebiya tilmaantiinna. Aabbihii
Tacliinta_Maxamuud Axmed Cali.
Mahadnaq: waxa aan aad ugu mahadcelinaynaa abwaanka Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) oo
sawirka Maxamuud Axmed Cali noogu deeqay.
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
Xidhiidhka:
Maxamed Bashe: mohamedbashe@yahoo.co.uk
Yaasiin
Jaamac (Suldaan) : suldaan@aftahan.com
Mareegaha: www.aftahan.com ama www.hadrawi.com
Taariikh Nololeedkii Dr. Sh. Cabdicasiis Al-Rantiisi

Dr. Sheekh Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid Alrantiisi wuxuu
ku dhashay tuulo yar oo la yidhaahdo Yibna oo u dhaxaysa Casqalaan iyo Yaafa taariikhdu markay ahayd 23/10/1947kii lix bilood
markii uu jiray ayay sanadkii 1948kii reerkiisu u qaxeen xerada qaxootiga ee Khaan Yuunis oo ku taala gacanka Qasa, qoyskooduna
wuxuu ka koobnaa 6 wiil iyo laba gabdhood.
Lix sano markii uu jirey ayuu galay dugsi
ay gacanta ku haysay Wakaaladda Gargaarka iyo Shaqo siinta Falastiiniyiinta. Sanadkii 1965kii ayuu dhammaystay waxbarashadiisa
dugsiga sare.1972kii ayuu ka qalin jabiyay kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Al-Iskanderiya ee dalka Masar,isla jaamacddaas
ayuu ka qaaday shahaadada Maajisteerka isagoo ku qaatay caafimaadka qaybta caruurta. Sanadkii 1976kii ayuu shaqo ka bilaabay
dhakhtar Naasir la yidhaahdo oo ku yaala xerada Khaan Yuunis.
Waxaa uu ka soo shaqeeyay Jaamacadda Qasa
tan iyo intii la furay sanadkii 1978kii ,sanadkii 1983kii ayaa xabsiga loo taxaabay markii lagu eedeeyay inuu diiday bixinta
cashuurta uu siinayo dawladda Israa'iil, mar kale ayuu sanadkii 1988kii xidhnaa 21 cisho.Sanadkii 1987kii ayuu koox
ka mid ah hormoodadii dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah la aasaasay Dhaqaaqa iskacaabinta Islaamiga ah ee Xamaas. 4.2.1988 ayaa
xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay falal ka dhan ah Israa'iil waxaanu ku jiray muddo laba sano
iyo badh ah waxaana la soo daayay 4.9.1990kii.Isla sannadkaas ayaa haddana xabsiga loo taxaabay isagoo ku jiray muddo hal
sano ah. Xabsiga ayuu ku dhex xafiday Quraanka Kariimka ah isagoo qol kula xidhnaa Ilaahay ha u naxariistee Sh. Axmed Yaasiin.
17.12.1992 ayaa isaga iyo 400 oo qof oo kale oo ka kala tirsanaa ururada Jihaad iyo Xamaas ayaa loo tarxiilay koonfurta Lubnaan
halkaasoo ahayd meeshii uu magaciisu ku soo shaac baxay kaddib markii uu af hayeen u noqday dadka laga saaray waddankoodii.Kaddib
markuu dib uga soo noqday xeradii ay koonfurta Lubnaan kaga jireen ayay ciidamada Israa'iiliyiintu haddana xabsiga u taxaabeen,
halkaasoo uu ku jiray ilaa badhtamihii sanadkii 1997kii. Kaddib markii uu xabsiga ka soo baxayna waxaa xabsiga
haddana dhigay xukuumadda Falastiiniyiinta ee ka jirta Qasa iyo Daanta galbeed halkaasoo dhawr jeer lagu celceliyay iyadoo
marka uu ka soo baxaba mar kale lagu celinayay wuxuuna guud ahaan ku jiray celcelis ahaan 27 bilood.Bishii Juun 2003dii ayuu
ka badbaaday gantaal ay ku dhufteen diyaaradaha Israa'iil gaadhi uu ku jirey isagoo gacanka Qasa jooga waxaana ka soo gaadhay
dhaawac isaga iyo wiilkiisa oo la socday.Kaddib 22kii Maarso 2004ta markii la dilay hoggaamiyihii hore ee Xamaas Sh. Axmad
Yaasiin Ilaahay ha u naxariistee ayaa loo doortay hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa markaasoo uu ballan ku qaaday in loo aari doono,
hase bil in ka yar dabadeed taariikhdu markay ahayd 17kii Abril 2004ta ayuu ku geeriyooday gantaal ay diyaaradaha Irsii'iil
ku dhufteen gaadhi uu la socday waxaa kaloo isla goobtaas ku dhintay labo ruux oo la socday.Ilaahay ha u naxariisto
Taariikh Nololeedkii Sh. Axmed Yaasiin
Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ku dhashay tuulo yar oo caan ah oo la yidhaahdo Jawratu Casqalaan bishii
Juun sanadkii 1936, sanadkaas oo ahaa sanadkii ay qaraxday kacdoonadii lagaga soo
horjeeday saamayntii ay Yuhuuddu ku soo yeelanaysay dhulka Falastiiniyiinta. Aabihii wuxuu dhintay isagoo shan sano jiray.
Sh. Axmed Yaasiin wuxuu u soo joogay
jabkii waynaa ee ku dhacay Carab sanadkii 1948kii isagoo waqtigaasi jirey 12 sano,dhacdadaas oo uu ka qaatay darsi saamayn
wayn ku yeeshay noloshiisa siyaasadeed iyo fikirba,kana bartay in ay markasta Falastiiniyiintu muruqooda ku tashadaan.Isagoo
dhacdadaas ka waramaya ayaa wuxuu yidhi:-"Ciidamadii kasocday waddamada Carabta ee ka soo dagaal galay Falastiin ayaa hubkii
aannu haysannay naga qaaday iyagoo ku andcooday inaan la oggolaan karin in cid kale oo milaterigii Carbeed ahayni aanay haysan
karin hub, markaasaa aayahayagii wuxuu ku xidhmay ciidamadaas, markii ay jabeenna waannu la jabnay , markaas oo ay qawlasatii
Yuhuuddu bilawday inay baabiiyaan oo ay gumaadaan dadkii dhulka degenaa,haddii aannu haysan lahayn hubkayagiina maanta taariikhdu
waji kaleayay yeelan lahayd".
Magaaladii uu ku dhashay ayuu ka
bilaabay dugsiga ilaa uu ka gaadhayay fasalka shanaad, hase yeeshee markii uu dhacay jabkii 1948kii ayuu reerkoodii ula qaxay
gacanka Qasa.Baahidii waynayd ee reerkooda saamaysay ayaa ku kalliftay intii u dhaxaysay 1949-1950kii inuu waxbarashadiisa
joojiyo si uu uga qayb qaato quudinta qoyskooda ballaadhnaa,isagoo ka shaqeeyay maqaaxi laga cuno fuulka, lix iyo toban jir
markii uu gaadhay ayaa waxaa ku dhacay shil culus oo saamayn wayn ku yeeshay guud ahaan noloshiisa ilaa intii uu ka shahiidayay,
kaasoo ahaa isagoo qoorta ka jabay sanadkii 1952 mar uu la ciyaarayay caruuro la fil ahaa,iyadoo 45 cisho kaddib markii nuuraddii
qoorta lagaga duuduubay laga furay la ogaaday inuu inta noloshiisa ka hadhsan naafo aan waxba qabsan karin uu ahaan doono
in lacaawiyo mooyaane, isagoo waqtigaas laga bilaabo kursi ku socon jiray. Naafadaas oo markii dambena ugu biiray xanuuno
kale sida isagoo isha midig beelay kaddib markii ay ciidamada baadhista Yuhuudu jidh dil ku sameeyeen, isla markaana ishii
kale aanu si fiican waxba uga arki kari jirin, sidoo kalena wuxuu qabay xanuuno dhagaha,sambabada iyo caloosha ah.
Sanadkii 1958kii ayuu dhammaystay
waxbarashadiisii dugsiga sare,isagoo bilaabay shaqo macalinimo ahayd,labaatan jir markii uu gaadhay ayuu ka qayb qaatay mudaaharaadyo
lagaga soo horjeeday duulaankii saddex geesoodka ahaa ee lagu qaaday Masar sanadkii 1956kii, waxaana beryahaas soo baxday
codkarnimadiisii iyadoo dhallinayrada iyo dadkoo dhamiba ay u soo joogsan jireen khudbadihiisii soo jiidashada badnaa taasoo
keentay inay dabagalaan nabadsugiddii Masar oo waagaa ka talin jirtay gacanka Qasa ,sanadkii 1965kii ayayna xabsiga u taxaabeen
iyagoo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Ikhwaanulmuslimiinka ,isagoo xabsi keli ah ku jirey muddo bil ah.
Sanadkii 1967kii markii ay Yuhuuddu
wada qabsatay dhulka Falastiin oo gacanka Qasana ku jiro ayuu bilaabay inuu ku guubaabiyo dadka khudbadihiisii dhiirigalinta
ahaa ee uu kaga soo horjeeday gumaysiga Yuhuudda ee dhulkoodii boobay,isagoo isla markaana ururin jirey kaalmooyin la siiyo
qoysaska laga shahiiday iyo kuwa laga xidhan yahay,wuxuuna madax ka noqday kulanka Islaamka ee gacanka Qasa. Dhaqdhaqaaqyadiisaasina
waxay ka cadhaysiiyeen Yuhuudda ,taasoo keentay in sanadku markuu ahaa 1982kii la xidho ,laguna xukumo 13 sano oo xadhig
adag ah, hase yeeshee 1985kii ayaa lagu sii daayay iswaydaarsi maxaabiis oo dhexmaray dawladda Israa'iil iyo Jabhadda Shacbiga
Xoraynta Falastiin "Hoggaanka Guud".

Sanadkii 1987kii ayuu Sh. Axmed Yaasiin kula
heshiiyay koox ka mid hoggaamiyayaasha Islaamiga ah ee leh fikirka Ururka Ikhwaanulmuslimiinta aasaasidda urur Islaami ah
oo la dagaalama Yuhuudda, ururkaas oo loo bixiyay "Dhaqdhaqaaqa Iskacaabinta Islaamiga ah" oo marka la soo gaabiyo loogu yeedho
"Xamaas", waxaanu qayb laxaad leh ka qaatay kacdoonkii waqtigaas ka bilawday degaanada Falastiiniyiinta,kacdoonadaas oo loogu
magac daray kacdoonkii Masaajidka, laga soo bilaaba waqtigaana waxa uu naqday Aabaha Ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqaas.
18kii Mey 1989kii ayaa Sh.Axmed
Yaasiin iyo xubno badan oo ka tirsan ururka xamaas xabsiga la dhigay iyadoo dawladda Israa'iil ku eedaysay inuu isagu ka dambeeyay
aasaaska ururka Xamaas garabyadiisa Ciidan iyo nabadsugidba leh, ururkaas oo ka dambeeyay dilka askar badan oo Yuhuud ah iyo
basaasiin badan oo iyaga u shaqeeyaba. 16kii bishii Obtoobar sanadkii 1991kii ayay maxkamad milatari ku xukuntay xabsi daayin(madaxaa
ha ku furto) iyo waliba 15 sano oo xadhig dheeraada ah. 13kii bishii Diisambar 1992kii ayay koox naftood-hurayaal Falastiiniyiin
ahi afduubeen askari Israa'iili ah si ay ugu badashaan Sh. Axmed Yaasiin iyo maxaabiis kale oo dad gaboobay ahaa, hasee yeeshee
dawladda Israa'iil way diiday arrintaas iyadoo isku dayday inay xoog ku soo furato, isku daygaasna waxaa lagu dilay taliyihii
ciidamada Yuhuudda ee isku daygaa samaynayay,askarigii la furanayay iyo taliyihii naftood-hurayaasha.Hase yeeshee Sh. Axmed
Yaasiin waxaa lagu sii daayay maxaabiis ay iswaydaarsadeen dawladda Boqortooyada Urdun iyo dawladda Israa'iil, 1dii Oktoobar
sanadkii 1997kii, iyadoo ay maxaabiista Yuhuuddu ahaayeen laba nin oo ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Yuhuudda oo isku dayay
inay ku dilaan madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas ku leeyahay Cammaan Khaalid Mashcal.

Ka hor dilkan dhacay
ee ay Yuhuuddu ku dishay Ilaahay ha u naxariistee Sh. Axmed Yaasiin waxay 6dii Sebtember sanadkii 2003dii isku dayday dil
ay helikobtarada Yuhuuddu la beegsadeen guri gacanka Qasa ku yaala oo uu ku jiray, weerarkaasna waxaa garabka midig ka soo
gaadhay dhaawac fudud.Falkan u dambeeyay ee ay Yuhuuddu ku dishay Sh. Axmed Yaasiin waxaa uu dhacay isagoo ka soo baxay Masaajid
ku yaal Qasa oo uu ku soo tukaday Salaaddii Subax, waxaa kaloo isla weerarkaa ku dhintay laba kalkaaliyayaashiisa ahaa. Ilaahay
Naxariistii Jano ka ha waraabiyo dhammaantood. Aamiin.
more inf.. go to this web sit http://www.hilinkatoosan.com
Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxamed Macallin
Maxamed Xaaji Cabdullaahi "Ingiriis"
Muqdisho, Soomaaliya
Waxaa dhawaan ku geeriyooday dalka Talyaaniga Sheekh Maxamed Macallin Xasan oo ahaa aabbihii baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed.
Sheekh Maxamed Macallin waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa iskugu yimid kumanaan-kun oo qof oo iskugu jira
culumada, ducaadda iyo dadweynaha ku nool Xamar. Bogga Islaamka ee tirsigan waxaan ku soo qaadanaynaa taariikh nololeedkii
Sheekh Maxamed Macallin Xasan.
Sheekh Maxamed Macallin wuxuu ku dhashay sannadkii 1934-kii baadiyaha magaalada
Buur Hakaba. Wuxuu Qur’aanka ku bartay isla goobtaas. Sagaal jir markuu ahaa ayuu Qur’aanka dhammeeyey, kaddib
wuxuu billaabay inuu u safro dhanka galbeed iyo magaalada Harar, halkaas oo 20 sano ku dhowaad uu culuunta kala duwan ee Islaamka
ku baranayay.
Kadib wuxuu u soo wareegay Sheekhu gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, halkaas
oo markii ugu horreysay Masjidka Jaamaca ah ee weyn ee magaalada Hargeysa uu ka billaabay tafsiirka Qur’aanka kariimka
ah sannadkii 1952-kii. Muddo yar kadib wuxuu Shiikhu u safray dalka Masar halkaas oo waxbarashadiisa markii la qiimeeyey loo
oggolaaday fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare ee Macaahidda Al-Azhar. Sannad kaddib wuxuu ku biiray Jaamacadda Al-Azhar,
gaar ahaan. Kuliyadda Usuulu-Diin, qeybta caqiidada iyo falsafadda. Halkaasna wuxuu ka qaatay Shahaadada (M. A.) Mastrate.
Dabadeed, wuxuu u gudbay darajada Diktorate PhD. Sheekh Maxamed wuxuu cilmibaarista ugu danbaysay ka qorayey Iimaanka iyo
raadka uu ku leeyahay qofka iyo bulshada. Sheekhu isagoo aan dhamayn ayuu ku noqday Soomaaliya sanadkii 1968.
Intii uu Qaahira joogay Sheekh Maxamed wuxuu ahaa madaxa ardayda Soomaaliyeed
ee halkaa ku noolayd. Febraayo 1968-dii ayuu Sheekh Maxamed Macallin Allaha u naxariistee ku soo laabtay dalka. Febraury illaa
bishii September sanadkii 1968 wuxuu Shiikhu sameeyey daraasad la xiriirta xaaladda diineed ee dalka Soomaaliya ee uu xilligaas
ku jiray dalku.
Waxaa u soo baxday inay aad ugu baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed baridda
iyo baraarujinta diinta Islaamka, waana midda keentay inuu September dabayaaqadeedii isla sanadkaa tafsiir ka billaabo masjidka
weyn ee maqaamka Sheekh C/qaadir. Taariikhdan gaaban waxaan ka soo xigtay Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo ka mid ahaa raggii
ay Shiikha aadka isugu dhowaayeen.
Sidoo kale, isagoo ka warramaya wixii kala qabsaday Sheekh Maxamed iyo
dowladdii milateriga ayuu yiri Sheekh Axmed, sannad kaddib, markii xukuumaddii milateriga ay dalka ka dhalatay, baraarugga
Islaamkana uu si wanaagsan uga socdo magaalada Muqdisho, wuxuu isku dayey maamulkii milateriga ahaa inuu Shiikha ka joojiyo
Tafsiirka. Balse, Shiikhu wuu diiday, walow loo magacaabay Agaasimaha arrimaha diinta si uu isaga dhaafo tafsiirka. Sheekhu
taa wuu ka dhega adaygay, wuxuuna si dardar ah u watay tafsiirkiisii oo ay u wehliyeen muxaadarooyin diini ah. Sheekh Axmed
oo weli ka sii hadlaya arrintaas waxa uu yirii Maamulkii milateriga ahaa wuxuu kaloo isku dayey inuu Shiikha u magacaabo safiir
si uu dibadda isaga dheereeyo balse Shiikhu taasna wuu diiday, waxayna keentay inuu ka mid noqdo 54-kii qofood ee shaqaalihii
ugu horreeyey ee loo bixiyey liiskii madoobaa ee laga eryey dowladda, wuxuuna ahaa qofkii afraad ee liiskaas ku qornaa.
Arrintaasi uu ku dhaqaaqay maamulkii Maxamed Siyaad Barre waxba kama beddelin
Sheekh Maxamed Macallin, sida uu noo sheegayo Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow, maadaama uu lahaa dad fara badan oo aad u jeclaa
noloshiisa wax ciriiri ah ma aysan gelin. Wuxuu sii watay Tafsiirkiisii. Dowladdii Barre ayaa xirtay sannadkii 1976-kii illaa
1982-kii isagoo ku xirnaa xabsigii Labaatan Jirow oo dhib badan loogu geystay. Markii la soo daayey ayuu dib u billaabay Tafsiirkiisii.
August 1984-kii ayaa mar kale amar lagu soo rogay inuu joojiyo tafsiirka,
balse wuu diiday, taasina waxa ay keentay in mar kale la xiro xabsigana lagu jirdilo. Dhacdadaaas waxa ay keentay in dowlado
badan oo Carbeed iyo dowlado magac ku leh dunida ay Shiikha u soo jeediyaan inuu dalka isaga soo baxo, noloshiisana ay kafaalo
qaadayaan. Sheekh Maxamed Macallin ma uusan yeelin, wuxuuna ku adkeystay inuu dadkiisa diinta ku baraarujin doono oo dadkiisu
ay u baahan yihiin.
Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa cajal laga duubay, waxa uu ku sheegay
in waxyaabihii ugu darnaa ee noloshiisa soo mara ay ahayd xariggii xabsigii Labaatan Jirow oo lagu gaarsiiyey rafaad iyo cadaab,
nimankii askarta ahaa ee aan u xirnaa waxa ay sameynayeen wax kasta oo aniga i dhibaya ayuu yiri mar sii horreysay Sheekh
Maxamed Macallin.
Xilli adag ayay ahayd xilligii uu xabsiga ku jiray Sheekhu. Waxaa magaalada
Muqdisho ka furnaa 13 Orientation (goobaha hanuuninta dadka) oo Shuuciyadda dadka lagu hanuuniyo, taasina dadka waxay ugu
yeereysay in uusan Ilaahay jirin oo dabeecaddu ay wax kasta iyadu maamuleyso. Sida Shiikhu uu sheegay waxaa jiray dad badan
oo arrintaa ciidan u noqday. Waxaa Shiikhu dadka uga digi jiray intii aan la xirin shuuciyadda, isagoo aan waxba ka sheegi
jirin dowladda. Waxaa dhacday in dadweynhii Soomaaliyeed, ha ahaado dadkii shaqaalaha, ama ganacsatada ama arday ama boolis
ama ciidan kale inay ku soo xirmaan tafsiirkii Sheekh Maxamed. Halka ay goobihii Kacaanku ay dadka ku xareysan jireen ay dadkii
ku yaraadeen Markaas ayaa la xiray Sheekh Maxamed Macallin.
Sida Sheekh Maxamed Macallin uu sheegay, waxaa u tagay maamulkii Kacaanka
odoyaal, waxayna yiraahdeen shiikha haddii aad dambi ku haysataan noo sheeg, haddii kale annagaa damaaano qaadayna ee noo
soo daaya. Markaas Maxamed Siyaad Barre waxaa la sheegaa inuu yiri ninkaan (Sheekha) dambi ma laha. Waa nin waddani ah oo
toosan, laakiin asna Orientation buu furtay, annaguna 13 Orientation ayaan furannay. Isagii baa dadkii naga leexsaday kolka
waan ka xoog badannahay, waana iska xareynay
Sheekhu wuxuu xabsiyadii dowladdii milatirga ku jiray muddo 11 sano iyo
dheeraad ah. Waxa uu sheegay mar uu arrintaasi hadda ka hor ka hadlay Sheekhu inaanu is lahayn si ammaan ah ama adigoo nabad
ah ayaad ka soo bixi doontaa xabsigii Labaatan Jirow. Markii uu xabsiga ka soo baxay waa uu xanuunsaday, kaddibna dibadda
ayuu aaday. Qalliin ayaa lagu sameeyey, waana uu ku ladnaaday. Waxa uu dib ugu noqday casharkii, markuu sagaal cashar galay
ayaa xabsiga lagu celiyey. Waxaa la moodayey in dadkii casharkiisa ku xirnaayeen ay is illoobeen, dadkiina waa ay ka soo dareen.
Muddadaas dheer ee uu xirnaa, wax is beddel ah noloshiisa kuma imaan Sheekh Maxamed.
Sheekh Axmed Cabdi oo mar kale ka hadlaya sannadihii ugu dambeeyey ee Shiikha
waxa uu yiri wuxuu ka mid ahaa shiikhu aasaasayaashii Kulanka Culumada Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa Guddoomiyihii ugu horreeyey
ee Kulankaas. Dagaalladii sokeeye kaddib wuxuu Tafsiirka ka billaabay masaajidka Isbahaysiga. Shiikhu wuxuu ahaa qof iimaankiisu
sarreeyo, noloshiisa oo dhanna diinta ku kooban tahay, dadkana ay isugu mid yihiin. Aad ayuu u naxariis badnaa. Waxaan oran
karaa wuxuu ahaa aabbaha baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa nin saqi ah oo gacan furan. Hoggaamiye mujaahid
ah, ummaddaana sheegi doonta waxtarkiisa. Qiyaastiisa oo idil waxay ku saleysnayd Islaamka. Ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisow.
Geeridiisa qof kasta ayaa ka naxay oo Soomaaliyeed. Waxa uu ku tiraabay
Sheekh Axmed inay jeclaan lahaayeen inuu maanta la joogo, waxaa naga geeriyooday caalim Islaami ah, oo sida kaalintiisa lagu
buuxiyaa ay adag tahay” ayuu yiri Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow.
Sheekh Cumar Faaruuq oo la hadlayey idaacadda BBC-da, waxa uu ku tilmaamay
Sheekh Maxamed Macallin inuu ahaa caalim aqoon qoto dheer u leh diinta Islaamka. Sidoo kale, Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu sheegey
in inta badan dadka maanta ku hawlan fidinta diinta Islaamku ay wax ka soo barteen Sheekha.
Shariif Cabdi Nuur oo ah nin caalim ah oo caan ka ah dalka Soomaaliya iyo
dalalka Islaamkaba ayaa tibaaxay inuu ahaa Sheekh Maxamed Macallin nin furfuran oo faham badan. Isagoo u warramayey Laanta
Afka-Soomaaliga ee BBC-da ayaa Shariif Cabdi Nuur, waxa uu yiri Sheekh Maxamed waxaan ku tilmaamayaa nin deggan oo aamus badan
oo Qur’aan akhris badan oo laqwiga neceb. Waxa uu sheegay Shariifku inuu ahaa Sheekh Maxamed nin furfuran oo kaftan
badan, “aniga iyo asaga waan isla kaftami jirnay kolkii uu ii yeerayo wuxuu iigu yeeri jiray Awkeey Shariif, anigana
waxaan dhihi jiray “Shiikh Nawaaq.
Sheekh Maxamed waxaa lagu yaqaannay dadka uu ka weyn yahay inuu u adeego,
xataa sida la ii sheegay shilka uu Shiikhu ku galay Sacuudiga waxay ahayd inuu u adeegay nin ay ku wada noolaayeen hal meel
uu wax uga doonay dukaan. Dabadeed, asagoo jidka goynaya ayaa waxaa ku yimid gaari ordaya. Arrintaasi waa mid aan shaki lahayn
oo lagu yiqiinnay shiikha. Tawaaduc iyo u jajabni dad u adeegidiisa mid lagu yaqaannay oo caam ah bay ahayd, Allaha u naxariisto”
ayuu yiri Shariif Cabdi Nuur.
Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed oo mar noqday Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha
Diinta, xabsigana ay iskula jireen Sheekha ayaa ka sheekeeyey noloshii dheereyd ee xabsigii Labaatan Jirow. Dhaawac weyn bay
ku tahay geerida Sheekh Maxamed Macallin dacwadda Islaamka, gaar ahaan dhulka Soomaalida ayuu yiri Sheekh Cabdiqani oo hadda
ka tirsan xarunta cilmi baarista Fiqhiga ee dalka Kuwait.
Sheekh Maxamed Macallin, 30-kii sano ee aan soo dhaafnay dacwadda Islaamka
intii uu ka geystay iyo intuu ka qaatay ma jiro ruux ka qaatay. Maxamed Macallin Allaha u naxariisto, geeridu xaq weeye laakiin
aad iyo aad baan uga murugsannahay. Waxay ahayd waqti loo baahnaa dacwaddii uu Sheekh Maxamed waday iyo dhallinyaradii uu
tacliiminayey, qaasatan tafsiirka Qur’aanka uu ku tarbiyadeyn jiray ayuu yiri Sheekh Cabdiqani.
Sheekh Cabdilqani isagoo ka hadlaya waxbarashadii Sheekha waxaana uu yiri
Sheekh Maxamed markii uu tagay Jaamacadda raggii Soomaaliya ka yimid imtixaan ayaa laga qaadi jiray. Ninkii Sheekh Maxamed
imtixaanka ka qaadayey inta uu istaagay ayuu madaxa ka dhunkaday. Sheekh Maxamed asagoo caalim ah buu tagay dalka Masar. Nin
aad u fahmo badan ayuu ahaa. Xaafid Qur’aan ayuu ahaa, waxaana leeyahay maanta geeridiisu waxay nagu tahay khasaaro.
Waa waqti aan u baahannahay oo dacwadda Islaamka Soomaalida looga baahan yahay.
Sheek Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culumadii ka soo qeyb-gashay
aaska Sheekha ayaa isaguna ka hadlay, wuxuuna yiri, Sheekh Maxamed waxa uu ahaa ahammu-shaqsiya diiniya oo ku suga Soomaaliya.
Hadda oo uu dhintayna ma lihi arrintaas ee waxaan qoray sanadkii 1982, mar ay I soo weydiiyeen Raabidadu. Waxaana marqaati
ka ah sida ay maanta shacabka Soomaaliyeed u aaseen.
Mar ay odoyaal ka tirsan deegaanka Bay iyo Bakool wax ka weydiiyeen xabsigii
labaatan jirow iyadoo laga furayo halkaas maxkamado Islaami ah, Sheekh Maxamed Macallin waxa uu sheegey, inuu xilligaasi ahaa
xilligii ugu adkaa noloshiisa. Waxay odoyaashaasi ugu tageen hoteelkii uu deggenaa, waxaana ay ku yiraahdeen Sheekhow waxaan
ka mid ahayn ardaydaadii Tafsiirka kaa baran jirtay. Xabsigii Labaatan Jirow markii aad ku jirtay xaaladdaada waan la soconnay
ee waxaan ku su’aaleynaa sidee ayaad u kala garan jirtay sannadka, maalmaha, usbuuca iyo bishaba?.
Waxa uu su’aashaasi uga jawaabay Sheekh Maxamed Macallin waxaan ahaa
xaafid Qur’aan. Usbuuca waxaan ula socday toddobada jallaad ayaan maalin walba jallaad ka aqrin jiray. Bishana waxaan
ula socday maalin walba jus ayaan akhrin jiray. Sannadkana, cilmiga xiddigaha ayaan wax ka aqiinnay, waxaana xiddigaha iyo
qorraxdaba kala socday duleel yar oo ku yaallay saqafka kore ee qolka. Muddo kaddib duleelkii yaraa ayaa geed ka soo dul baxay
oo iga qariyey xiddigaha sidii aan u arki lahaa. Madaxa askarta xabsiga ayaa la ii geyn jiray maalmo kaddib si la ii wareysto
xaaladdeyda. Waxaan u sheegay in meel duleel ah oo ay qorraxdu ka soo gasho ay dhib igu hayn jirtay, Ilaahay baa meeshii qorraxdu
ka soo galaysay ka soo bixiyey geed oo qaraxdii aan ka reystay. Kolkaa aniga waxaan rabaa si geedka loo gooyo, isla markiiba
way gooyeen, waana sidii aan rabay ayuu yiri Sheekhu.
Mar uu ka hadlayey wixii ugu yaab badnaa ee uu kala kulmay xabsigaas, waxa
uu yiri waxaa iigu yaab badnaa inay anigu caado ii ahayd inaan salaad walba aadaamo, waxayna igu yiraahdeen askartu ‘waa
inaad joojisaa aadaanka.’ Waxaan iri xabsiyada dalka oo dhan waa laga aadaamaa ee maxaa keligey la iga rabaa, waxayna
yiraahdeen ‘waa amar jooji,’ anigana ma aanan joojin oo sidii ayaan u watay aadaankii kaddibna qolkii dhexdiisii
ayay igu xir xireen (miig). Isma lahayn adoo nool ayaad ka baxaysaa ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin. Sidii anigoo u rafaadsan
ayaa la iga soo beddelay Labaatan Jirow oo waxaa la i soo beddelay Xabsiga Dhexe, waxaana la igu xiray qol ciriiri ah oo Shimbiroole
la yiraahdo, magacaasna waxaa loogu bixiyey waxaa ka buuxay dhilqo fara badan oo sidii shimbiraha oo kale kugu soo dagaya.
Kaddib askartii gudaha ee xabsiga ayaa go’aansatay inay wax ii qabtaan. Qolkii ayay iga soo bixiyeen, kaddibna inta
ay dhaqeen oo ay mariyeen rinji kaddibna ay ku xireen nal ayay igu yiraahdeen ‘Shiikhow naga raalli ahaaw,’ markaas
kaddibna waxay noqotay in qolkii ay ku soo bixiyaan maxaabiista kale laaluush si ay u soo galaan ayuu yiri Sheekh Maxamed
Macallin Xasan.
Dhallinyarada baraarugga Islaamka ee Muqdisho ayaa ka sameeyey Sheekh Maxamed
Macalliin qoraallo badan oo taariikhdiisa ku saabsan, waxaana ay ka sheekeeyeen bilowgiisii geeddi socodka iyo markii uu billaabay
inuu raadiyo cilmiga diinta. Waxaa qoraalladaasi ku jira in markii Shiikhu yaraa ee uu geeriyooda aabbihiis Macallin Xasan,
ay isku qabsadeen adeeradiis iyo abtiyaashiis. Waxaa dhex galay isticmaarkii waagaa joogay oo labada dhinac laba gees kala
istaajiyey, dabadeedna amray in Sheekha oo yar la istaajiyo dhexdooda, kaddibna halka uu raaco ay qaadanayaan. Dabadeed wuxuu
shiikhu raacay abtiyaashiis, sida uu sheegayo mid ka mid ah dhallinyaradii Shiikha haysay taariikhdiisa.
Abtigii ayaa inta uu u dhiibay kitaab safiino ah safar ku soo daray si
uu kitaab ugu aqristo Baydhabo. Beydhabadii kuma uusan nagaanin Shiikhu oo asagoo meel fadhiya oo nin Imaam uu tujiyey is
leh kitaabka ha kuu akhriyo ayaa nin kale soo ag fariistay oo yiri ‘kaalay anigaa kuu akhrinaayo oo galbeed baan ku
geynayaa.’ Ninkii buu iska soo raacay. Wuxuu yimid Jigjiga iyo agagaarkeeda. Sheekh la yiraahdo Sheekh Maxamed C/llaahi
oo dugsi meesha ku haya ayuu arkay. Habeen bey la hoydeen asaga iyo dad kale. Sheekhuna wuxuu ku haray halkaas oo uu ka bilaabay
kitaabkii ugu horreeyey Safiinaha ah oo muqtasir ah.
Dugsigii markii dambe Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa la wareegay. Macallin
dugsi ayuu noqday oo la yaqaan oo ay ku soo dagaan xerta iyo Shiikhoodaba. Waxaa meesha ugu yimid nin Sheekh ah oo la yiraahdo
Xaaji Cali oo ka yimid Sacuudiga magaalada Maka, wuxuuna dugsi ku qabtay magaalada Dirirdhabe oo aad looga aflaxay. Sheekhu
wuxuu markaas aqristay kutubta naxwaha iyo fiqiga intooda hoose, wuxuuna ka raacday cilmi badan ayay ku qoreen majalad ka
hadlaysa taariikhda Sheekha. Sidoo kale, Sheekhu wuxuu arday u noqday culimo waaweyn oo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Jowhar
iyo Sheekh Buraawi.
Sheekhu, markii uu ka tagay gobolka Soomaali Galbeed waa uu lugeeyey, waxaana
uu maray dalalka Itoobiya, Ereteriya, Suudaan illaa uu ka gaaray dalka Masar dabayaaqadi sannadkii 1958-kii. Inta uusan ka
tegin gobolka Soomaali Galbeed waxa uu ka yimid magaalada Hargeysa oo uu ka soo baxay, waxa uu maray Jigjiga iyo magaalooyin
kale oo bariga dalka Itoobiya ah. Intii uu joogay Masar Sheekhu wuxuu arday u noqday Sheekhul-Azharkii xilligaas, Sheekh Cabdulxaliim
Maxmuud. Sheekh Cabdulxaliim Maxmuud ayaa u ahaa ninka la talinayey markii uu diyaarinayey PhD-da.
Sheekh Maxamed Macallin Xasan, waxa uu dalka Masar wax ka baranayey markii
ay sida adag isugu hayeen dalkaas xarakada Al-Ikhwaanul Muslimiinka iyo dowladda, dabayaaqadii sannadkii 1950-kii iyo bartamihii
60-kii. Waxay ahayd waqti ay isku herdiyayaan xarakooyin fara badan oo dhanka saaxada fikriga iyo siyaasadda. Xarakada walaalaha
Muslimiinta ayaa aad u shaac baxday. Sheekha waxaa raad ku yeeshay afkaarta raggii hormoodka ka ahaa oo u akhriyey kutubadooda.
Waxaa ka mid ahaa culumadaas Al-Imaam Shahiid Xasan Al-Banaa, Shahiid Sayid Qudub, Hudeybi. Markii Sayid Qudub la daldaleyey,
Shiikhu waxa uu joogay Qaahira, wuxuuna u sheegay BBC-da inuu runtii aad ugu saamoobay arrintaas, aadna uga xumaaday.
Sheekh Maxamed Macallin waxa uu ku lahaa magac weyn iyo taariikh dheer
Soomaaliyaa. Waxa uu ahaa caalim laga tixgeliyo dhulalka Muslimiinta. Dacwadii Sheekh Maxamed Macallin Ilaahay waa barakeeyey,
waxayna aqbalaadda in badan oo ka mid ah dadweynaha iyo culumada Soomaaliyeed. Sidaasna wuxuu ku noqday aabbaha saxwada Islaamka
ee Soomaaliya. Sheekha aaskiisii waxaa iskugu yimid culumo farabadan oo kala leh itijaahyo iyo aragtiyo kala duwan, kana kala
tirsan ururrada Islaamdoonka Soomaaliyeed. Shiikhu wuxuu ifka kaga tagay hal wiil iyo saddex gabdhood iyo hooyadood.
Geeridiisu waxa ay ka nixisay dhammaan dadka Soomaaliyeed. Sidaasi darteed,
Sheekhaas weyn ee caanka ah waxaan leennahay Alle ha u naxariisto, ha u nuuriyo xabaasha, iilka neecaw udgoon iyo ha ku siiyo
naruuro, Aamiin.
http://www.himilo.com
TAARIIKH NOLOLEEDKII Abdullahi Mohamud Hassan
OO KU CAAN DHEERAA (MATUKADE) 1924-2001
Abdullahi Mohamud Hassan oo ku dhashay Gobolka Muduga, wuxuu hana qaaday isagoo
aad u dhallin yar, wuxuu ahaa nin keligiis wax is baray, wuxuu ku caan baxay waxbarasho jaceyl, karti dheeraad ah, dadaal
aan kala go’ lahayn, iyo inuu ahaa nin an la loodin karin oo an marna ka waaban runta, xaq ku dirirka iyo waxa u aaminsanyahay.
Wuxuu ahaa nin aad waxbarashada u jecel, tabobarro aad u farabadanna ku qaatay
xirfadiisa isagoo u aaday waxbarasho waddamo badan oo ay ka mid yahiin Talyaaniga, Ingriiska, Maraykan iyo Rush-ka..
Wuxuu aad ugu dadaalay inuu waxbaro caruurtiisa si ay dadkooda iyo dalkoodaba
u anfacaan.
Wuxuu u soo shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisaba muddo aad u dheer isagoo inta badan
ka tirsanaa Ciidanka Boliska Somaliyeed.
Waxuu u soo dagaalamay xorriyadii dalka, is hortaagidii xukunkii kali taliyaha
ahaa ee Mohamed Siyad Barre, waqatigan danbana dib u soo celinta dowlanimadii Somaliyeed iyo qoridda taariihk nololeedkiisii
iyo taariikhda Somaliya guud ahaanba.
Si uu u difaaco qadiyadda saxa iyo qaranimada Somaliyeed, waxuu u babac dhigay
shaqo ka erid, musaafiris iyo xabis aad u dheer intaba.
Waxaan halkaan idiin ku soo gudbinayna taariihkdiisii oo aad u gaaban.
- 1924 Abdullahi Mohamud Hassan wuxuu ku dhashay Gobolka Mudug ee Dalka Somaliya
- 1942 wuxuu ku biiray ciidamadii Boliska ee waqtigaas oo la oranjiray "Gendarmeria"
- 1944 wuxuu ku biiray SYL
- 1950 waxaa laga eryey ciidamadda boliska, oo Talyaanigu ku eedeeyey inuu kaalmeeyo
SYL
- 1952 wuxuu ku jiray laba nin oo SYL u diratay dalka Ethiopia si ay uga codsadaan
in Ethiopia ay garab istaagto qadiyadda SYL
- 1953 wuxuu ku biiray ciidamada Boliska ee Kenya halkaas oo u ka soo shaqeeyey
muddo sideed sano ah.
- 1960 wuxuu ku soo laabtay dalka somaliya oo u ka qaybgalay dabaaldagii xoriyadda
is maalintaasna uu ku biiray ciidamada Boliska.
- 1961 waxaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada gaarka ah (Special Branch)
ee gobolada waqooyiga ee Somalia
- 1964 waxaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada gaarka ah (Special Branch)
ee dalka oo dhan
- 1967 waxaa loo beddeley taliyaha ciidamada boliska ee jubada hoose.
- 1969 wuxuu ka mid ahaa madaxdii gobolka jubada hoose oo xilka la wareegay markii
waddanka inqlaabku ka dhacay.
- 1970 wuxuu ku jiray ragii ugu horeeyey oo Mohamed Siyaad Barre ka wareejiyey
ciidamada asagoo lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer (Governor)
- 1972 waxuu ku jiray dadkii ugu horeeyey oo loo masaafuriyey Russia. Halkaas oo
uu ka bilaabay wax barasho Jaamacadeed ( Lavof University)
- 1974 si lama filaan ah ayaa loogu magacaabay inuu noqdo hogaamiyaha ciidamada
Boliska Somaliyeed (Commander in chief)
- 1978 ayaa la xiray iyadoo lagu eedeeyey inuu ka soo horjeedo kacaankii Mohamed
Siyad Barre, halkaasna u ku xiranaa xabiskii caanka ahaa ee LAANTA BUUR muddo dhan LIX SANO IYO AFAR BILOOD
- 1984 ayaa laga sii daayey xabisgii, wuuna diiday inuu jago cusub ka qabto wadanka
in kastoo Mohamed Siyaad barre u soo jeediyey.
- 1990 mar kale ayaa la xiray isagoo ku jiray odayaashii Somaliyeed oo saxiixay
warqadii caanka ahayd ee la magacbaxday "MANIFESTO"
- 1991- 2000 wuxuu aad isugu masquuliyey inuu ka qayb qaato dib u soo celintii
dowladnimada Somaliyeed asagoo ka qayb galay shirar kala duwan oo ay ka midiahiin kii 1991 ee dalka Jabuti iyo 1993 dalka
Ethiopia
- 2001, Axad Lulyo 8, 1dii aroornimo ayuu ku geeriyooday gurigiisa, aydoo ay la
joogaan dhammaan caruurtiis, magaalada Lorton, Virginia ee Dalka Maraykanka
- Waxaa lagu aasi doona Gobolka Mudug ee Dalka Somaliya
- Wuxuu ka tagey Xaaskiisa Xalima Warsame iyo 26 qof oo isuku jira waxuu dalay
iyo waxay sii dhaleen.
- Waxaa dhawaan soo bixi doona boog uu qoray Marxuumku oo ka hadlaya taariikh nololedkiisii
iyo taariikhda Somaliya guud ahaan laga bilaabo xorriyad u dirirkii ilaa iyo burbuka waqtigan lagu jiro
- Allaha u naxriiso Abdullahi Mohamud Hassan, samir iyo iimanna allaha ka siiyo
eheladiisii iyo asxaabtiisiiba iyo Ummada Somaliyeed Guud ahaanba.
| Taariikh Nololeedka Beeldaaje Xaaji Abdullahi |
| - Thursday, October 21, 2004 at 13:52 |
| |
Bismilaahi Rahmani Rahiim
Taariikh
Nololeedka Beeldaaje Xaaji Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil
 |
| Muuqaalkii ugu dambeeyay ee Beelaadajaha |
Beeldaaje Xaaji Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje
Ismaaciil waxa uu ku dhashay tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala, kuna taal dhulbuureedka sare, sanadkii 1910.
Aabihiis Beeldaaje Maxamed Ismaaciil waxa
uu ahaa Beeldaajaha Cali Saleemaan, kaasoo ka dhaxlay Aabihiis Ismaaciil, ka ab, ka ab, iyagoo sida la ogyahay todoba (7)
qarni ahaa Beeldaaje, dawlad kasta oo timaada oo isticmaari ah awood uma laheyn iney faragashato.
Beeldaaje Xaaji C/laahi waxa la dhashay a)
Cali Beeldaaje oo ka weynaa, b) Xasan Beeldaaje, c) Maxamuud Beeldaeje. Cali oo ahaa curadkii dhaxalka lahaa markuu hanaqaad
noqon lahaa ayuu geeriyooday, halkaas ayuu Xaaji C/laahi ku noqday (Waliyal Cahdi), saas daraadeed markuu aabihiis geeriyooday
sanadkii 1926 dii, Xaaji C/laahi waxa uu noqday Beeldaajihii todobaad (7) ee Beesha Cali Saleemaan.
Xaaji C/laahi wuxuu yaraantiisii nasiib u
yeeshay inuu ka mid noqdo ardaydii ugu horeysay ee Xaaji Maxamuud “Dharas”, kaasoo ah dugsi magaalda Qanadala
caan ka ahaa. Sidoo kale Xaaji C/laahi wuxuu waxbarasho iyo safaraba u aaday Xamar iyo Yemen sanadadii 1930-35 kii.
 |
|
Dhalinyaranimadii Beeldaajaha |
Markii ay dowladii Fashiistiga ee Benito
Musselini qabsatay Majeerteeniya, waxaa dhacay dagaal culus oo badda iyo bariga laga duqeeyey deegaanadaas, sida la ogyahay
Beeldaaje Xaaji C/laahi iyo adeeradiis, Xaaji Cartan Ismaaciil iyo Siciid Ismaaciil waxa lagu eedeeyey in ay amarkii Governerka
ka hor yimaadeen, dabadeedna waxa loo musaafuriyey xabsi ku yaal Xaafuun, oo markaas aheyd magaalada Soomaaliya ugu horumarsan,
halkaasna waxa ay ku xiraayeen sanad.
1937-41 dagaalkii labaad ee dunida Beeldaajaha iyo Ugaas Yaasiin C/raxmaan, waxa ay ku howlanaayeen wax ka qabadka (xaaladaha
deg dega oo Ingiriiska ku soo rogay Soomaaliya ee beegida raashinka), oo cunta la`aanta saameysey noloshii dadka.
1943-49 waxa uu ka mid ahaa Guddiyadii Ururka Leegada, S.Y.L.
1950, markii UN ku Talyaaniga soo cesheen,
waxa uu ka mid ahaa Isimadii diidanaa ee doonaayey watayna figrada “Great Somalia” Soomaali in la isku daro. Isla
sanadkaas 1950 waxaa la casriyeyey warshada kalluunka ee Qandala taas oo uu door weyn ka qaatay furideeda.
Beeldaaje Xaaji C/laahi wuxuu ahaa oday dhaqanka
Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ku dheer. Waxaana lagu tilmaami jiray Isimada Gobolka ugu dhaqan adag.
1959 waxa uu ka mid noqday xildhibaanadii Soomaaliyeed ee la doortay, galayna baarlamaankii
ugu horeeyey (Assemblea Nazionale Somala), waxaana laga doortay degmada Qandala. Wuxuu mar labaad soo galay baarlamanka 1964-69,
halkaasna wuxuu siyaasada ku jirey toban (10) sano.
Wuxuu safaro badan ku aaday dalalka Yemen, Sucuudi
Carabia, Kuweit, Bangaladesh, Shiinaha, Ruushka. Mareykanka, Yurub iyo Beitul Qudus intii ay gacanta ku heysey Urdun.
Wuxuu ka sheekeeyay in uu joogay Dallas (USA) maalintii
la dilay John Kennedy madaxwaynihii maraykanka 23kii September 1963, halkaas oo uu u joogay wafdi ahaan.
Madax badan oo aduunka ayuu la kulmay,wuxuuna
aaminsanaa midnimada Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.
Mudaddii burburka 1991-2004 wuxuu joogay oo ku noolaa dalka Imaaraadka halkaas oo shaqo badan ka qabtay, dadwaynaha Soomaaliyeedna
guud ahaan iyo gobolka Bari uu si gaar ah wax ugu raadin jiray. Waxa uu ka mid ahaa isaga iyo ugaas Yaasiin odayaashii aaday
dalka Holland oo biyo galinta Boosaaso loo soo ogalaaday, soona saxiixay sanadkii 1994. Waxa uu ka mid ahaa Issimadii ( boqor
Maxamuud iyo ugaas Yaasiin ) ee ka dhameeyay sheekha Sharja Al-qasim, garoonka Boosaaso in la dhiso.
Waxa uu ahaa nin nasiib badan oo waxa uu
damco u hirgalaan. Waxa uu ka tegay 11 rag ah iyo 7 dumar ah iyo 3 ooryo Allaha u naxariisto Beeldaaje Xaaji C/laahi Beeldaaje
Maxamed Beldaaje Ismaaciil.
F.G. Marxuumka waxaa lagu duugi doonaa magaalada
Boosaaso ama degmada Carmo
Laga
soo xigtay: Dr Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje
Qormadii Maxamed Farah Beeldaje
Daabacaadii AllPuntland.com
TACSI: MARXUUM BEELDAAJE XAAJI C/LAAHI BEELDAAJE - |