Silsilada gabayada ismaaciil mire
Maanta waxaan xusaynaa gabyaagii weynaa ee la odhan jirey ISMAACIIL MIRE oo ahaa gabyaa soomaaliyeed,
oo door weyna ka soo qaatay, siiba xilligii daraawiishtu ay la dagaalamaysey gumeystihii ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay
deegaanka laasadaar oo udhow buuhoodle 1882,gabyaagani ayaa lagu xusey gayadiisa iyo taariikhdasaba waxaa sanadkii 2002 bishii
3aad gabayadiisa lagusoo qaatey jaamacada khartoum qaybta sugaanta in ay kamnoqdaan gabayo kamid ah manjahka tacliimiiga kuliyada
suugaanta ama adabka.
Hadaba inkastoo aynaan taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan ku soo koobi Karin misana misena waxaynu
dad waynaha ugu talagalnay in aanu xasuusino suugaanta soomaaliyed ee ay la dhaceen dad yow aan soomaali ahayn hada gabayga
ay aad ka ulayaabeen suugaanta ardada jaamacada khartoum ee dadka sudan wuxuu ahaa gabaygan,oo layiraahdo guuguule profeser
ka tirsan jaamacadaas baa igu yiri weligey ma arag ninkan nin ka aftaahnsan maraka hada dhowaan ayey jaamacadaas carabi kuturju
mi doontaa dhamaan gabayada abwaan al-mujaahid ismaaciil mire,hadaba yaa nan idinku dheereenine maanta ayenu qaadano labadana
gabay ee ugu horeeya isbuucaan waxay noqon doonaan labadan gabay ee hoos kuxusan waxayna kala yihiin
1-Ha Furfurin Dermada
2-Kaadsada
...........................................................................................
Sheekooyinka wadaniga ee ah lama-dhaafaanka ah.waxaa rag daraawiish iweriyeen in Sayid Maxamed ciidan
uu Ismaaciil Hogaaminayoku yidhi in aysan degmada ku leexleexan si aysan uga baaqan hawsha loo santay goor galab ah ayey degmooyinkii
ku soo beegmeen dabadeedna Daraawiishtii baa mudo yar caruurtoodii iyo dumarkoodana kula soo balamaan loo sheegay, muddadii
oon aan dhamaan ayey faradaha fuuleen. Ismaaciil mire oo maalintaas 7 bilood ka maqnaa afadiisa Faaduma
tegiddaas haatana
oo hadana degdega ah aad bay uga xumaatay, waxayna jeclayd in uu maalmo la sii joogo Gabyaagu dad kale ka garasho dheer ,
kolkii uu astaamahaas oo dhan gaaridisii ka dareemay ayuu isagoo kadallooba gabaygan caanka noqday ku Yidhi :-
1-Ha Furfurin Dermada
Faadumoy falaadkaygaan fiiro kaa bariye
In faseexad loo wada hadlay gobi ku faydaaye
Fahmadaba
adaan qaadan baad feedho hadashaaye
Fillan naag taqaan waa ibleys furuq-alluu-keenye
Fidmadeeda xaajada adaa faraya shaallaaye
Ferenjaan ilaalinayaa foos ka soo baxaye
Feddadaan
wareegaa sidii farow ugaadheede
Ma furfuro habeenkii guntiga foore soo dhacaye
Fakayoonka iyo gaadhka badan feeyigaan bidaye
Xeedhyahan fandhaalaysan iyo Faarac labankeeda
Fujaamadan
la soo sidiyo Foonka malabaysan
Fartaydaa anaan saarin baan fuuli Looshane' e
Inaan adiga kaa fiigayaad igu filaysaaye
Furuq igu dilaa naag kalaan faraha saaraaye
Ha
Furfurin dermada layga waa inaan fadhiistaaye
Foolkii Astaadkaan ku helay faydo iyo Khayre
Faataxo markuu ii maraan farax dhaqaaqaaye
Ma
fakhriyo Shareecada ninkii faraqa haystaaye
Kaadsada
...........................................................................................
Nin
La odhan jirey Maxamed faarax . laguna naanayso <<Jaawali>>Ismaaciil Mirena Ilmaadeer ahayeen ayaa beri damcay
inuu u safro oo Burco geeyo Xool iyo badeeco kale, kuna soo badasho lacag iyo qalab magaalo Ismaaciil oo isagu ahaa reer miyi
aan car isku rogin ayaa <<Jaawali>> u yeedhay si uu socdaalka uga baajiyo, Gabaygu ha la maro ama kas ha u yeelo
ee waxuu maagay Salaan carabey oo gabya ahaa
<<Hadii safar magaalo iyo ganacsi khayr leeyahay Salaan baan Caato iyo Weyd la dalanbaabiyeen>>
ayuu Ismaaciil gabayga ku soo gabagabeeyey . Waxuu Yidhi
1-Ha Furfurin Dermada
Magaalada raggow kacahayow
kol ila soo joogso
Kallahaad haddaad damacsan tahay Maxamedow kalay
Kalmaddeyda lama quudhsadee maqal kalaamkayga
Kaddib
iyo in been lagu hadlaa waa karaahiyo e
Kaftan looma yidhi xaajadii kaamil loo yahaye
Waa kararrah hadalkii xunoo lagu kireystaaye
Kuwa
miyiga keenada geshaye dabo kushlaynaaya
Oo rubiga ay kalawsadeen kiishadda u qaatay
Kulayl kagama hadhin ceebna waa kay u go'ayaane
Karuurka iyo caanaha dhanoo deyso kabashkaaga
Korjadahana
aqalkaaga dhigo koran ma doonaane
Haduu kabare khayr leeyihiyo kadab la soo iibsho
Ama lagu kashbacayoo qaxwuhu badhida keenaayo
Ama soor aad keligaa cuntaa kamanka buureyso
Kaadsada
Salaan baan futadu kaxankaxawdeene
diyaariye c/risaq A.ali kaneec
abdirizaqkaneec}
qoraa xaga taariikhda iyo cilmi ga bulshada
email"kaneec1@hotmail.com